Wararka

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa magaalada Venice ee dalka Talyaaniga kaga qayb-galay shirweynaha 15-aad ee Awoodda Ciidamada Badda ee dalalka caalamka, kaas oo uu soo qaban-qaabiyey Taliska Ciidanka Badda Dawladda Talyaaniga, wuxuuna ka qabsoomay xarunta Arsenal ee Ciidamada Badda Talyaaniga ee ku taalla magaaladaas.
Read More →

RW Xamsa Cabdi Barre oo Tababar u Soo Xiray Dufcaddii 12-aad ee Kumaandooska Danab

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ay weheliyaan Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta tababar u soo xiray Dufcaddii 12-aad ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab.
Read More →

RW Xamsa oo Guddoomiyey Kulan Amni Isaga oo Ammaanay Guulaha Ciidanka Qaranka

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku shir guddoomiyey kulan looga hadlay amniga caasimadda Muqdisho, kaddibna ka qeybgalay munaasabad lagu maamuusay ciidamada Qaranka, loogana mahadceliyey doorkooda sugidda amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.
Read More →

Wasiirka Gaashaandhigga oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wafdi Sare oo ka Socda Wasaaradda Gaashaandhigga Talyaaniga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidamada Talyaaniga, oo uu wehliyo Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccò Coppi. Wafdiga waxaa hogaaminayay Taliyaha Taliska Hawlgallada Wadajirka ah ee Talyaaniga, S/Guud Giovanni Maria Iannucci.
Read More →

Maqaallo

Taariikh Nololeedka Taliyaha Ciidanka Lugta ee XDS

Sareeyo Guuto Axmed Aadan Cali Taliyaha Ciidanka LUGTA ee XDS Waxa uu ku dhashay Degmada Balad xaawo ee Gobolka Gedo Sanadka Marka uu ahaa 1969 kii. Waxbarasadiisa Aas Aasiga waxaa ku soo qaatay Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.
Read More →