Wararka

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheeysan ka fuliyay degaanka Ceel-Qansax oo hoos taga degmada Galcad

0 Visits: 130 | Sunday April 23, 2023 - 14:06:55
Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka degaanka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen degaanka Ceel-Qansax oo hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa waxay burburiyeen fariisimo ay si qarsoodi ah isugu abaabulayeen maleeshiyaad Khawaarij ah.

Read More »

Maamulka Gobolka Banaadir oo xiray goobo lagu iibiyo Maandooriyaha oo ku yaala xeebta Liido

0 Visits: 131 | Sunday April 23, 2023 - 14:04:59
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo masuuliyin kale ayaa xalay howlgal lagula dagaalamayo waxyaabaha maandooriyaha ah ka sameeya…

Read More »

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SALAADDA CIIDDA LA OOGAY KUMANNAAN SHACAB AH

0 Visits: 131 | Friday April 21, 2023 - 18:00:05
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka kula oogay Salaadda Ciidda, kumannaan ka mid ah shacabka Soomaaliyeed, masuuliyiinta iyo howlwadeennnada dowladda.

Read More »

Ciidanka Kumaandooska Xds ee Danab oo deeq raashin ah gaarsiiyay xarun lagu xanaaneeyo caruur darbi jiif ah

0 Visits: 121 | Friday April 21, 2023 - 17:56:43
Ciidanka Kumaandooska Danab ee XDS ayaa deeq raashin ah gaarsiiyey xarunta lagu dhaqan celiyo caruurta darbi Jiifka ah ee.Maama Ugaaso ee Magaalada Muqdisho.

Read More »

Ciidanka Xoogga dalka oo Jab xooggan Khawaarijta ku gaarsiiyay deegaanka Budbud.

0 Visits: 140 | Wednesday April 19, 2023 - 20:15:31
Ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha dib u xoreynta deegaanka ayaa jab culus Khawaarijta ku gaarsiiyey deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud oo galabta ay isku dayeen inay weerar arbushaad ah ku soo qaadaan.

Read More »

Booliska gobolka Banaadir oo howlgallo ka sameeyay qeybo ka mid ah Caasimadda

0 Visits: 133 | Wednesday April 19, 2023 - 20:10:42
Taliska Qeybta guud ee Boliiska gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxay ku soo qabteen burcad hubeysan oo magaca Ciidamada qalabka sida dhac ku geysanayay.

Read More »

Maxkamadda gobolka Banaadir oo iibineysa Kalluun si sharci darro ah looga jillaabtay xeebaheenna

0 Visits: 148 | Wednesday April 19, 2023 - 20:05:32
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa iibineysa kalluun si sharci darro ah looga kalluumeystay xeebaha dalkeena oo ciidanka ammaanka ay ku soo qabteen kalluumeysato ajaaniib ah.

Read More »

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka oo howlgal ay kasameeyeen degaano katirsan gobolka Hiiraan ku bur-buriyay meelihii ay ku dhuumaaleeysanayeen khawaarijta.

0 Visits: 143 | Monday April 17, 2023 - 15:32:04
Howlgal qorsheysan oo Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka ee Danab iyo Gor-gor ay ka sameeyeen degaano dhaca Jiinka Wabiga oo ay kamid yihiin Xarar-tiir, Garasyaani, Baareey, Baladul-Amiin ee gobolka Hiiraan ayey ku bur-buriyeen meelihii gabaadka ay ka dhiganayeen khawaarijta.

Read More »

Ciidamada Xooga oo burburiyay fariisimo Khawaarijtu ku lahayeen deegano hostaga dagmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan

0 Visits: 131 | Monday April 17, 2023 - 15:27:14
Ciidamada xoogga dalka ee qeybta 27-aad, Danab iyo Gor Gor oo garab ka helaya ciidanka is abaabulay ee dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta howlgallo culus oo Khawaarijta ay ku baacsanayaan ka wada deegaano badan oo dhaca koonfurta gobolka Hiiraan, waxayna hadda kaabiga ku hayaan deegaanka Booco oo…

Read More »

https://sonna.so/so/ciidanka-xoogga-oo-bur-buriyay-fariisimo-ay-khawaarijtu-si-dhuumaaleysi-ah-u-imaan-jirtay-ee-katirsan-hiiraan/#:~:text=Wararka-,Ciidanka%20xoogga%20oo%20bur%2Dburiyay%20fariisimo%20ay%20khawaarijtu%20si%20dhuumaaleysi%20ah%20u%20imaan%20jirtay%20ee%20katirsan%20Hiiraan,-By

0 Visits: 117 | Monday April 17, 2023 - 15:25:36
Cidanka xoogga dalka gaar ahaan ururka41aad gutada 5naad Qeybta-27aad iyo ciidanka degaanka ayaa howlgal waxa ay saakay ka sameyeen inta u dhaxeeyso degaannada Buuloburde ilaa Halgan ee jiinka wabiga.

Read More »

Howlgal amniga lagu xaqiijinayo oo laga sameeyay deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud

0 Visits: 125 | Monday April 17, 2023 - 15:23:17
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta ka wada dhulka miyiga ah ee dhaca hareeraha deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud oo maalin ka hor laga xoreeyey Khawaarijta.

Read More »

Ciidanka xoogga oo ku dhawaad 10 dhagar qabe ku dilay degaanka janaale.

0 Visits: 141 | Saturday April 15, 2023 - 20:42:36
Ciidanka XDS Gaar Ahaan Guutada 14 October ayaa ay 9 maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta Al-shabaab ku dilay inta udhexeeysa degaanka Janaale iyo tuulada Buufoow bacaad ee gobolka Shabeelaha hoose.

Read More »

Ciidamada xoogga dalka oo si buuxda ula wareegay degaanka Budbud ee gobolka Galgaduud

0 Visits: 126 | Saturday April 15, 2023 - 20:33:37
Ururka 4aad Guutada 16aad kumaan dooska Danab iyo guutada 4aad qeeybta 27 aad ee xooga dalka oo kaashanaya ciidamada dib uxereeynta Degaanka ayaa maanta maleeshiyaadka aragagexesada al-shabaab kala wareegay degaanka budbud ee hoostaga degmada gacad ee katirsan gobalka galagaduud.

Read More »

Ciidamada Danab oo la wareegay deegaanno cusub oo ka tirsan Gaal-gaduud

0 Visits: 150 | Friday April 14, 2023 - 20:55:58
Ciidanka Kumaandooska XDS ee Danab ayaa maleeshiyaadka khawaarijta Al-shabaab kala wareegay goobo cusub iyo difaacyo ay ku lahaayeen deegaanada Geryaale, iyo Ceel-juqoow, uu dhaca gobolka Gaal-guduud.

Read More »

Wasiirka Amniga XFS oo Tababar u soo xiray ciidamo ka socday ilaalada Madaxtooyada

0 Visits: 126 | Friday April 14, 2023 - 20:53:37
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Magaaladda Belgrade ee Dalka Serbia Tababar ugu soo xiray qaar kamid ah ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada iyo Madaxweynaha JFS, kuwaas oo Muddo Afar bil ah Tababar Sare ku qaatay dalka Serbia.

Read More »

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray xerada Hiil-weyne oo lagu diraaiyay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka

0 Visits: 134 | Friday April 07, 2023 - 20:16:03
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta kormeer ku tagay xerada Hiil-weyne oo ku taala inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad, halkaasi oo ay ku suganyihiin ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo dhawaan tababar kusoo qaatay…

Read More »

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Galcad lawareegay.

0 Visits: 156 | Friday April 07, 2023 - 10:38:33
Ciidanka kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab iyo Gorgor ayaa maanta lawareegay Degmada Galcad ee Gobalka Galgaduud ee Bartamaha Soomaliya.

Read More »

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo la kulmay Ku simaha Safiirka UK

0 Visits: 143 | Sunday April 02, 2023 - 20:46:20
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya, S/Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa Safaarada Ingriiska ee Muqdisho kula kulmay kusimaha Safiirka Safaarada ee Muqdisho Amb Ed, Brenett, waxa ayna ka wada hadleen iskaashiga iyo tayeynta Ciidanka Boliiska Soomaliyeed, gaar ahaan dib u habeynta iyo La-dagaalanka Argagixisada…

Read More »

Shirka golaha wasiirada dowladda FS oo lagu ansixiyey sharciga nidaaminta gaadiidka Mooto Bajaajta

0 Visits: 162 | Thursday March 30, 2023 - 22:32:40
Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoominayey Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyey Qaraarka Nidaaminta Gaadiidka Mootooyinka Bajaajta oo dhawaan ay horgeyeen guddiga gaadiidka Bajaajta daraasada xal loogu halayo amniga iyo…

Read More »

War-saxaafadeed: guulaha laga gaaray dagaalka dhanka dhaqaalaha ah ee Khawaarijta lagu qaaday

0 Visits: 151 | Thursday March 30, 2023 - 22:21:27
Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda FS Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dagaalka dhinaca maaliyadda ah oo qayb ka ah Istiraatiijiyadda lagula dagaalamayo Khawaarijta, sida dagaalka fikirka iyo ka ciidanka,…

Read More »