Wararka

Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo isku soo dhiibey Horjooge sare ka tirsan al-shabaab

0 Visits: 940 | Sunday April 17, 2016 - 18:56:05
Horjooge ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka Xoogga dalka ee Howlgalka ka wada bariga Galgaduud.

Read More »

Generaal Ali Gaab '''Gacanta ayaa lagu soo dhigey ragii ka dameeyay haween lagu diley muqdisho'''

0 Visits: 1366 | Sunday April 17, 2016 - 13:20:33
Ciidamada booliska Gobolka Banaadir oo howlgalo ka sameyay magaalada muqdisho ayaa waxa ay gacanta kusoo dhigeen rag ka dambeeyay dilal haween loogu geesetey degmooyinka Hodon iyo Dharkenley.

Read More »

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida nabaddoon Sheekh Caamir Sheekh Ibraahim

0 Visits: 1012 | Sunday April 17, 2016 - 13:20:33
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Allah u naxariistee marxuum Xaaji Sheekh Caamir Sheekh Ibraahim Sheekh Maxamuud oo xalay ku geeriyoday magaalada Muqdisho.

Read More »

Taliyaha ciidanka Booliska iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo Tababar u furay gudoomiyayaasha degmooyinka iyo taliyayaasha saldhigyada booliiska ee Gobolka

0 Visits: 973 | Sunday April 17, 2016 - 13:20:33
Taliyaha ciidnka booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale "Madaale" ayaa si wadajir ah tababar ugu furay gudoomiyayaasha degmooyinka iyo taliyayaasha saldhigyada booliiska ee gobolka Banaadir,…

Read More »

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Oo Furay Tartan Qur'aan Arkhris ah"Sawirro"

0 Visits: 1243 | Sunday April 17, 2016 - 13:20:33
Tartan quraan aqris ah oo ay soo qaban qaabisay Jimciyadda Al-Ishraaq waxaa ka qeyb galay araday soomaaliyeed oo ka kala socday 18-ka Gobol iyagoo ku tartami doona 114-ka Qur'aanka Kariimka ayaa maanta si rasim ah uga furmay masaajidka Isbaheysiga islaamka ee magaalada muqdisho.

Read More »

Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha oo maanta booqaday xabsiga dhexe ee Xamar+Sawirro

0 Visits: 916 | Sunday April 17, 2016 - 09:20:32
Wasiiru dowlaha Arimaha Gudaha iyo federaalka Cabdirashiid Maxamed "Xiddig" ayaa maanta kormeeray , Xabsiga dhaxe ee Xamar , isagoo indha indheeyay xaalada maxaabiista ku hirta xabsigaasi.

Read More »

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo Morocco ka codsadsey in garab laga siiyo la dagaalanka Al-shabaab

0 Visits: 832 | Saturday April 16, 2016 - 10:04:21
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa kala hadlay Dowladda Morocco, sidii ay Soomaaliya kaga taageeri lahayd xoojinta ammniga iyo la dagaallanka argagixisida.

Read More »

Dalka Itoobiya oo maanta ka furmayo Shir looga hadlayo Ammaanka Afrika

0 Visits: 789 | Saturday April 16, 2016 - 10:04:21
Waxaa Magaalada Baxardaar ee Dalka Itoobiya maanta ka furmaya Shirkii 5-aad ee Madasha Sare ee Amniga Qaaradda Afrika (Tana High-Level Forum on Security in Africa),kaas oo ay ka qeyb galayaan inta badan Hogaamiyaasha Qaaradda Afrika.

Read More »

Wasiir Maxamed Aadan Ibraahim Farketi oo Washington uga qayb galaya shirkii sanadlaha ahaa ee Bangiga Aduunka iyo IMF

0 Visits: 851 | Saturday April 16, 2016 - 10:04:21
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim Farketi iyo Wafdi ballaaran oo ka mid ah Hayadaha lacagta dalka, Gudiga maaliyadda u qaabilsan Barlamanka, La taliyayaala ka kala socdaWasarada Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe ayaa ka qayb galay shirkii sanadlaha ahaa ee Hay'adda…

Read More »

Taliska Asluubta oo sheegay in la Adkeeynayo Amaanka Maxkamada Gobolka

0 Visits: 930 | Friday April 15, 2016 - 12:11:37
Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliya, General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay xoogga saari doonaan suggida ammaanka Xarunta Maxkamadda Magaalada Muqdisho.

Read More »

Baarlamaanka Jermalka oo Ansixiyay in Hawlo Militari ay Ciidamada Dalkaasi Kabilaabaan Soomaaliya iyo Mali - See more at: http://hiiraan.com/news/2016/Apr/wararka_maanta14-95564.htm#sthash.QKRHdday.dpuf

0 Visits: 815 | Thursday April 14, 2016 - 13:11:15
Sida lagu daabacay barta internetka ee wararka eeSputnik shalay, baarlamaanka Jermalka ayaa ansixiyay qorshe ay hawlo militari uga bilaabayaan ciidamada militariga ee dalkaasi Soomaaliya iyo Mali.

Read More »

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay degmada Afgooye

0 Visits: 960 | Wednesday April 13, 2016 - 14:49:01
Afgooye:-(SNARADIO)-Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku geeriyootay qarax bambaano oo maanta duhurkii ka dhacay suuqa xoolaha degmada Afgooye, iyadoo qaraxa lala beegsaday ciidamo canshuur ka qaadayay halkaas.

Read More »

S/Guud Mohamed Ali Samatar oo Hambalyo udiray Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed isagoo ku sugan magaalada Virginia ee Dalka Mareykanka.

0 Visits: 1221 | Wednesday April 13, 2016 - 14:33:48
S/Guud Maxamed Cali Samatar ayaa hambalyo u diray ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sannad Guurrada 56-aad ee ka soo wareegtay Aas-aaska Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa uuna dhan kale ugu baaqay in ciidamada Xoogga la Gaadhsiiyo sidii markii hore ay ahaan jireen.

Read More »

Faah Faahin: Duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ka geysteen Koofurta Somaia

0 Visits: 928 | Wednesday April 13, 2016 - 14:21:44
Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in weerar cusub oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab deegaano ka tirsan Jubooyinka.

Read More »

Madaxweyne Xasan Sheikh oo maamulada Galmudug iyo Puntland ugu baaqey in ay daryeelaan Caruurta ay qaldeen kooxda al-shabaab

0 Visits: 1028 | Wednesday April 13, 2016 - 09:11:31
Madaxweynaha Jamuuriyada Fadareelka Soomaaliya Ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa waxa uu ka Hadley caruurta ay lugooyeen kooxda al-shabaab isagoona sheegey caruurtaasi ay yihiin jiilkii bari soo kici lahaa ee an ficilahaa dalka.

Read More »

Wasiir Diini haloo wada istaago dhismaha isku dhafka Ciidanka qaranka

0 Visits: 1088 | Wednesday April 13, 2016 - 09:11:31
Wasiirka Difaaca Dowlada Federaalka S/Gaas Cabduqaadir Shiikh Cali Diini ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsadey in ay la shaqeyaan ciidamada qaranka ayna gacan siiyaan is meesha looga saaro cadowga al-shabaab.

Read More »

Madaxweynaha oo ka qeyb galey Xuska 56 Guuradiid kasoo wareegatey Aas aaska Ciidanka Xooga Dalka

0 Visits: 1939 | Tuesday April 12, 2016 - 15:29:02
Munaasabadaan oo looga dabaal dagayay aas aaska Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed oo ku beegan 12 april ayaa maanta lagu qabtey Magaalada Muqdisho.

Read More »

Warmurtiyeed laga Soo Saarey shirka Madasha Wadatashiga Qaranka

0 Visits: 904 | Tuesday April 12, 2016 - 14:02:08
Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Warmurtiyeedka ka soo baxay shirka madashad wadatashiga Qaranka oo la soo gabo gabeeyay, kaasi oo la isku raacay in la dhiso labo guddi doorasho oo midkood yahay heer Qaran, halka mid kale uu noqonayo heer gobol, waxaana xulista labada…

Read More »

Munaasabad lagu xusayo 56 Guuradii kasoo wareegatey aas aaska Ciidanka Xooga dalka

0 Visits: 871 | Tuesday April 12, 2016 - 08:38:28
Munaasabado lagu xusayo maalinta ciidanka xoogga dalka ee 12-ka April ayaa maanta laga xusayaa magaalada Muqdisho, iyadoo tan iyo shalay magaalada laga dareemayay diyaar garowga loogu jiro xuska.

Read More »

Wax ka Baro Taariikhda Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya

0 Visits: 4908 | Tuesday April 12, 2016 - 08:38:28
Taariikhda XDS waa arrin markasta laga hadlayo oo aay kaaga dhex muuqanaayso sharaf, karaamo, magac wanaagasa,geesinimo iyo guulaay u soo hooyiyeen umadda Soomaliyeed,islamarkaana markaaad dhinaca kale ka eegto iyo sida uu kudambeeyey aad kala kulmaaysid murugo naxdin,waa musiibo qaran oo xal u baahan.

Read More »