M.weyne Xasan Sh Iyo Masuuliyiin kale Oo Salaad Janaaso ah Masjidka Shuhadaa Kula Tukaday Marxuum Dhagabadan+Sawirro

0
Monday November 02, 2015 - 17:13:04 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    M.weyne Xasan Sh Iyo Masuuliyiin kale Oo Salaad Janaaso ah Masjidka Shuhadaa Kula Tukaday Marxuum Dhagabadan+Sawirro

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano iyo saraakiil ayaa maanta ka qeyb galay salaada janaasada ee Meydka Alle ha u naxariistee Abaanduulahii hore ee Ciidamada xoogga dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano iyo saraakiil ayaa maanta ka qeyb galay salaada janaasada ee Meydka Alle ha u naxariistee Abaanduulahii hore ee Ciidamada xoogga dalka

Jen. C/kariin Yuusuf Aadan Dhega-badan oo shalay ku geeriyooday weerarkii Hotel Saxafi.

Meydka Marxuum Dhega-badan ayaa salaadii Janaasada lagula dukaday Masjidka Shuhadaa ee ku yaalla Madaxtooyada Villa Somalia, waxaana Madaxweynaha uu u tacsiyadeeyay qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Marxuumka.

Jen. Dhega-Badan ayaa lagu xusuustaa howl galadii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee looga saaray sanadihii 2011 ilaa 2012 magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka ku yaalla koofurta Soomaaliya.

Meydka Jen. Dhega-badan ayaa loo duuliyay deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud,halkaas oo uu ka dhashay marxuumku.

waxaa Meydkiisa lagu qaaday diyaarad gaar ah oo ka duushay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiintii ka qeyb gashay salaada janaasada ayaa u tacsiyadeeyay qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Jen. Dhegabadan oo ay sheegeen in lagu xusuusto guulihii ay ka soo hoyeen dagaalada.

DSC08422DSC08423DSC08428


DSC08432
DSC08434DSC08438DSC08442DSC08444DSC08449DSC08452DSC08454DSC08456DSC08458DSC08462DSC08463DSC08465DSC08470DSC08472DSC08476DSC08488DSC08490
DSC08498DSC08500

DSC08513DSC08520
DSC08561
DSC08566DSC08567DSC08569DSC08570DSC08571DSC08573DSC08575DSC08576DSC08577DSC08578DSC08579DSC08580DSC08581DSC08582DSC08584DSC08585DSC08590DSC08591DSC08600DSC08601DSC08602



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip