Madaxweynaha Galmudug:- Annaga iyo shabaab sinnaba kuma Wada Noolaan karno

0
Monday October 26, 2015 - 14:20:45 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1078
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Galmudug:- Annaga iyo shabaab sinnaba kuma Wada Noolaan karno

    Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa Shacabka Gobolka Mudug waxa uu ugu baaqay in ay si nabad ah u wada Daganaadaan isla markaana ay ka shaqeeyaan Horumarkooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa Shacabka Gobolka Mudug waxa uu ugu baaqay in ay si nabad ah u wada Daganaadaan isla markaana ay ka shaqeeyaan Horumarkooda.

Kaddib Safar uu Maxaweeynaha uu ku tagay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayuu sheegay marka hore in si rasmi ah uu u shaqayn doono Garoonka Cusub ee Diyaaradaha Magaalada gaalkacyo isla markaana u shaqayn doono bulshada dagan Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka galmudug ayaa shaaciyay in shabaab Meelkasta oo ay joogan in ay la dagaallamayaan si loo helo nabad iyo xasillooni waarta.

"waxaa jira oo aan rabaa inaan uga faa’iidaysto waxaad ogtihiin in baryahaan Dagaallo ay ka dheceen deegaannada Camaara iyo Bacaadweyn laakiin ciidamada Geesiyaasha ah ee Galmudug yaa deegaannadaas ka xoreeyay kooxda shabaab Waxaan rajeynaynaa in deegaannada kale ee dhiman inay ka Xoreeyaan kooxahaas maxaa yeelay  annaga iyo shabaab sinnaba kuma wada Noolaan karno” Ayuu yiri Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Muddooyinkii dambe waxaa deegaannada galmudug ka jiray qorshayaal maamulka gobolka iyo madaxda galmudug ay ku soo Celinayaan Horumarrada Deegaannada galmudug.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip