Howlgallo amni xaqiijin ah oo laga sameeyay xaafadaha degmada Afgooye .

0
Sunday October 04, 2015 - 14:18:35 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgallo amni xaqiijin ah oo laga sameeyay xaafadaha degmada Afgooye .

    Howlgallo lugu xaqiijinayo amniga degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sacadii ugu danbeeyay ciidamada amniga ee maamulka Koonfurgalbeed waxa ay ka sameeyeen xaafadaha degmadaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgallo lugu xaqiijinayo amniga degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sacadii ugu danbeeyay ciidamada amniga ee maamulka Koonfurgalbeed waxa ay ka sameeyeen xaafadaha degmadaasi.

Howlgalladan 48 saac ee la soo dhaafay ay ciidanka booliska ka sameeyeen waaxyaha degmada Afgooye ayaa ahaa mid lagu xoojinayay amniga xaafadaha degmada, iyadoo ciidanku ay mid mid u baarayeen guryaha iyo gaadiidka kala duwan ee degmada dhexdeeda isaga kala goosha.

Suldaan Maxamed oo ka mid ah odoyaasha dhaqanka ee degmada oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan howlgallada ciidanka booliska ay ka wadaan degmada, ayna diyaar u yihiin inay la shaqeynayaan si loo xaqiijiyo sugidda amniga.

Taliye ku-xigeenka saldhiga booliska degmada Afgooye Labo xidigle Cabdullaahi Xaaji Maxamed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shacabka degmada ay si wanaagsan ula shaqeeyaan ciidamada, waxaana uu intaa ku daray inay joogteyn doonaan howlgallada nabadgelyada lagu xaqiijinayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip