Warbixin: Dhibaatadii Gooldhalin La'aanta Cristiano Ronaldo Oo Neymar U Wareegtey (8 Kulan Hal Gool Ayuu Dhaliyey Neymar).

0
Tuesday April 07, 2015 - 15:04:03 in Ciyaaro by Super Admin
  • Visits: 1985
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin: Dhibaatadii Gooldhalin La'aanta Cristiano Ronaldo Oo Neymar U Wareegtey (8 Kulan Hal Gool Ayuu Dhaliyey Neymar).

    Weeraryaahanka xulka qaranka dalka Brazil iyo weliba sidoo kale Kooxda reer Span ee Barcelona ninka lagu Magacaabo Neymar ayaa waxaad moodaa in muudooyinkan danb uu col la noqdey shabaqa madama uusan sidii waayadii hore mudooyinkan aheyn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryaahanka xulka qaranka dalka Brazil iyo weliba sidoo kale Kooxda reer Span ee Barcelona ninka lagu Magacaabo Neymar ayaa waxaad moodaa in muudooyinkan danb uu col la noqdey shabaqa madama uusan sidii waayadii hore mudooyinkan aheyn.
Neymar ayaa lagu shegey in uu dhanka gool dhalin la’aanta iyo weliba sida loo safo kulamada waxaa ay noqotey mid indhaha saxaafada dalka Spain aad u soo jiidatey isla markaana in ay wax ka qoraan bilaabey.

Wargeyska El-Mundo Deportivo ee ka soo baxa Magaaladda Barcelona ayaa maanta daabacay in Neymar uu Bedeley Cristiano Ronaldo oo muudooyinka goolal la’aan aad u daran ay heysatey.

Neymar ayaa lagu soo warmayaa in 8dii kulan ee ugu danbeyeysey ee la safey u kaliya hal gool dhaliyey dhamaan 8deedaas kulan, waxaana midaas ay noqotey mid indhaha caalamka u soo jeedisey dhanka Neymar iyo weliba cilada gool dhalineed ee heysata.


Neymar ayaa sanadkan cusub ee 2015 waxaa uu ku bilowdey bilow aad iyo aad u wanaagsan balse waxaa mudooyinkan danbe uu u muuqdaa mid shabaqa col la ah.

Weeraryahanka reer Portugal ee Koxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa mudooyinka waxaa uu la daala dhacayey dhibaato lamid ah mida heysata haatan Neymar ee gool dhalin la’aanta ah.

Balse waxaa u heeryadda iska qaadey oo uu 5 gool hal kulan dhaliyey kulankii todobadkan ay kooxdiisa la ciyaartey kooxda Garanada oo ay uga adkaadeen 9gool iyo gool.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip