Marcos Rojo Oo Sheegay In Isaga Iyo Qoyskiisa Ay Farxad Ku Dareemayaan Nolosha Magaaladda Manchester.

0
Tuesday April 07, 2015 - 15:04:03 in Ciyaaro by Super Admin
  • Visits: 37164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marcos Rojo Oo Sheegay In Isaga Iyo Qoyskiisa Ay Farxad Ku Dareemayaan Nolosha Magaaladda Manchester.

    Ciyaaryahanka daafaca gudaha uga ciyaara kooxda Manchester United una dhashay xulka Argentina Marco Rojo ayaa ka sheekeeyay sidda uu haatan farxadda ugu dareemayo nolosha iyo joogitaanka magaaladda Manchester oo isaga iyo qoyskiisa qayb ka mid ah ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahanka daafaca gudaha uga ciyaara kooxda Manchester United una dhashay xulka Argentina Marco Rojo ayaa ka sheekeeyay sidda uu haatan farxadda ugu dareemayo nolosha iyo joogitaanka magaaladda Manchester oo isaga iyo qoyskiisa qayb ka mid ah ay hadda ku sugan yihiin.
Rojo ayaa sheegay in uu hadda la qabsaday hab ciyaareedka Man United isagoona dhanka kale xusay in uu si aad ah isaga, xaaskiisa iyo caruurtiisaba ay ula qabsadeen nolosha caadiga ah ee magaaladda Manchester, balse wuxuu ka cabtay in wali ay ku adag tahay ku hadalka luuqadda ingiriiska.

"Xaqiiqdii tan iyo markaan imid halkaan waan sii jeclaysanayaa waa goob ku haboon in lagu noolaado, marar waxaan u baahanaa aniga iyo qoyska in aan meelo kale tamashle iyo dalxiis u aadno, balse waan ku qanacsanahay oo ku faraxsanahay aniga iyo qoyskayga nolosha Manchester.”


"Wax walba waxa ay noo yihiin aniga iyo qoyskayga siddii loogu tala galay, bilowgiba markaan nimid halkaan waan u bognay, waxay mar walba xaaskayga ii sheegtaa kawaran ma u xiistay Argentina ana waxaan dhahaa haa, laakiinse halkan ayaa igala sii haboon.” ayuu hadalkiisa uu ku soo xiray Rojo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip