MADAXWEYNE FARMAAJO OO KU DHAWAAQAY BAROOR-DIIQ QARAN OO LAGU MAAMUUSAYO RAIISUL WASAARE NUUR CADDE

0
Wednesday April 01, 2020 - 16:32:07 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE FARMAAJO OO KU DHAWAAQAY BAROOR-DIIQ QARAN OO LAGU MAAMUUSAYO RAIISUL WASAARE NUUR CADDE

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid -Alle ha u naxariistee- Raiisul Wasaarihii Hore ee dalka Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid -Alle ha u naxariistee- Raiisul Wasaarihii Hore ee dalka Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyooday magaalada London ee cariga Ingiriiska.

Madaxweynaha ayaa xusay doorka weyn ee uu ka soo qaatay -Alle ha u naxariistee marxuumku- dib u soo kabashada dalka, isaga oo wakhti adag u istaagay in uu ka shaqeeyo dowladnimada iyo samata bixinta dalkeenna.

"Innaga oo garoowsan dadaalka uu marxuumku ku bixiyey dalkiisa iyo dadkiisa, waxaan ku dhawaaqayaa Baroor-diiq Qaran oo saddex maalmood ah, iyadoo hoos loo dhigayo muddadaas calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si aynu u siinno Raiisul Wasaare Nuur Cadde –Alle ha u naxariistee- Maamuuska Qaran ee uu naga mudan yahay.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marxuumka oo ahaa halyeey Qaran oo taariikhda ku galay tanaasul iyo nabadeyn, Alle u weydiiyey in uu fadhigiisa ka yeelo Jannatul Firdows, eheladiisa iyo saaxiibadiisana uu ka siiyo samir iyo iimaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip