Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Oo Sheegay in Maleeshiyaad Badan Al-shabaab Looga Dilay Daynuunaay,

0
Wednesday March 25, 2020 - 20:11:05 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Oo Sheegay in Maleeshiyaad Badan Al-shabaab Looga Dilay Daynuunaay,

    Ciidanka xoogga dalka ayaa degaanka daynuunaay oo qiyaastii 18 kiilo mitir ujira magaalada baydhabo kudilay 12 maleeshiyaad katirsan argagixisada al-shabaab kadib markii ay isku dayeen inay soo weeraraan fariisinka ciidanka xoogga ee degaankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka xoogga dalka ayaa degaanka daynuunaay oo qiyaastii 18 kiilo mitir ujira magaalada baydhabo kudilay 12 maleeshiyaad katirsan argagixisada al-shabaab kadib markii ay isku dayeen inay soo weeraraan fariisinka ciidanka xoogga ee degaankaasi.

Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidamanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeya Guuto Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo wareysi siiyay Idaacada Codka Ciidamada Qalabka sida isagoo ku sugan jiida hore dagaalka ee aaga daynuunaay ayaa sheegay in maleeshiyaadka al-shabaab qasaare xoogan lagu gaarsiiyay daynuunaay.

Jeneraal Maxamed Shiikh ayaa tilmaamay in argagixisada ay kadileen kudhawaad 12 maleeshiyaad ah sidookalana laga dhawaacay tiro intaasi kabadan.

Taliyaha ayaa xusay in ciidanka xoogga dalka ay kawar qabeen weerarka argagixisada islamarkaasna iyagoo kafeejigan ay kahortageen haatana ay kusii baacsanayaan degaanada howdka ah.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip