Ciidanka Xoogga Dalka Oo Gacanta Kusoo Dhigay Madaxii Sirdoonka Al-shabaab Ee Gobolka Shabeelaha hoose,
Kadib howlgalo amniga lagu xaqiijinayo oo ay ciidanka xoogga dalka kasameeyeen degaanka Janaale iyo nawaaxigiisa ayay kusoo qabteen horjoogihii maleshiyaadka al-shabaab uqaabilsanaa gobolka shabeelaha hoose iyo labo maleeshiyaad ah oo lasocday.
Horjoogaha argagixisada uqaabilsanaa sirdoonka shabeelaha hoose ayaa lagu magacaabaa Xasan Suleyt magaciisa afgarashada ayaa loogu yeeraa (Xasan Ganeey)
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogg Dalka S/guut Cabdixamiid Maxamed oo kusugan degaanka Janaale ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay horjoogahaani ciidanka in ay kasoo qabteen Janaale isagoo dhuumaaleeysanaya kadib howlgalo ciidanka ay kawadaan janaale iyo nawaaxigiisa
Taliyaha ayaa tilmaamay in haatan ay korortay wada shaqeeynta ciidanka iyo dadka degaanka taasi oo suuragaliyay in cadawga laga helo xogbadan lana soo qabto horjoogayaal iyo maleeshiyaad .