Kumaandoosta Soomaaliya oo Jannaale ku gubay gaari xamuul ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay

0
Friday March 20, 2020 - 20:16:20 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumaandoosta Soomaaliya oo Jannaale ku gubay gaari xamuul ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay

    Howlgal ciidanka gaarka ah ee xoogga dalka ay ku fuliyeen duleedka deegaanka Janaalle ee gooblka Shabeelaha hoose ayay ku gubeen gaari walxaha qarxa ay ka soo buuxiyeen kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, gaariga xamuulkaa waxa ay ku doonayeen in ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgal ciidanka gaarka ah ee xoogga dalka ay ku fuliyeen duleedka deegaanka Janaalle ee gooblka Shabeelaha hoose ayay ku gubeen gaari walxaha qarxa ay ka soo buuxiyeen kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, gaariga xamuulkaa waxa ay ku doonayeen in ay ku soo weeraraan gudaha magaalada Jannaale

Ciidanka oo aad u feejigan ayaa helay xogta gaarigaan cadoowgu doonayay in ay ku soo weeraraan magaalada waxaana ay sameeyay howlgalkaan oo ay u fuliyeen si taxadar leh waxaana ay qarxiyeen gaarigaan xamuulkan ah oo nuuciisu ahaa Dheyno.

Howlgalkale oo ay ciidanka gaarka ah ka fuliyeen Beeraha Jannaale waxa ay ku toogteen 8 ka tirsan maleeshiyada kooxda Nabad diidka ah ee Alshabaab waxaana ay gacanta ku dhigeen hubkii ay wateen.

Wariye Cabduwahaab Axmed Geeddi oo ku sugan Deegaanka Jannaale ayaa sheegay in ciidanku ilaa iminka sameeyeen howlgalo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku dhuumaaleysanayay Jannaale iyo hareeraheeda loogana hortagay weeraro gaadmo ah oo ay argagixisadu maleegayeen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip