Cutubyo ka Tirsna Ciidanka Xoogga Dalka oo Tababar loogu soo xiray Baydhabo "SAWIRRO"

0
Wednesday March 18, 2020 - 23:30:03 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 8
  • Share via Social Media

    Cutubyo ka Tirsna Ciidanka Xoogga Dalka oo Tababar loogu soo xiray Baydhabo "SAWIRRO"

    Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed, Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed "Lafta gareen" Safiirka Britain ee Soomaaliya Danjire Ben Fender, Taliyaha ciidanka Xoogga dal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed, Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed "Lafta gareen" Safiirka Britain ee Soomaaliya Danjire Ben Fender, Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raagge iyo mas'uuliyiin kale ayaa tababar ugu soo xiray Baydhabo cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Ciidanka tababarka loo soo xiray ayaa madasha ku soo bandhigay dhoola tus milateri, kaasi oo ay aad ugu riyaaqeen dhamaan mas’uuliyiintii ka qeyb gashay munaasabadda.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raagge ayaa tilmaamay in ciidankan ay qeyb ka noqon doonaan ciidamada loo diyaariyay sidii guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed ay uga xoreyn lahaayeen argagixisada Al-Shabaab.

Safiirka Britain ee Soomaaliya Danjire Ben Fender ayaa xusay in tani ay tahay wax lagu farxo maadaama hirgelinta tababarka ay gacan weyn ka geysatay dowladda Britain.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed "Lafta gareen” ayaa sheegay in maamulkooda ay qorsheynayaan iyaga oo kaashanaya dowladda Federaalka sidii deegaannada maamulkaasi looga cirib tiri lahaa argagixisada Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa bogaadiyay cidkasta oo gacan ka geysatay tababaridda ciidanka xoogga dalka, waxaana uu ciidamada tababarka loo soo xirayay kula dar daarmay inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday ee ah difaaca dalka iyo sidii dhagar qabayaasha Al-Shabaab guud ahaan dalka looga cirib tiri lahaa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an dhismaha ciidanka qalabka sida iyo hirgelinta xarumo cuusb oo laga yegleelayo gobollada dalka, si loo dar dargeliyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip