Ciidanka Xoogga Dalka Oo Maleeshiyaadka Al-shabaab Agagaarka Jamaame Kaga Dilay 15 Maleeshiyaad ah ,

0
Thursday February 20, 2020 - 20:55:12 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka Oo Maleeshiyaadka Al-shabaab Agagaarka Jamaame Kaga Dilay 15 Maleeshiyaad ah ,

    Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal kawada nawaaxiga degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose ayaa maleeshiyaadka Al-shabaab howlgalkaasi kugaarsiiyay qasaare xoogaan waxaana haatan kaabiga ay kuhayaan degmada Jamaame halkaasi oo ay maleeshiyaadka argagi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal kawada nawaaxiga degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose ayaa maleeshiyaadka Al-shabaab howlgalkaasi kugaarsiiyay qasaare xoogaan waxaana haatan kaabiga ay kuhayaan degmada Jamaame halkaasi oo ay maleeshiyaadka argagixisada isagabaxeen. Taliyaha Guutada 11aad Qaybta 43aad Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/Sare Maxamed Xasan Badal ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka usheegay in howlgalka Al-shabaab kaga dileen 15 Maleeshiyaad 20 kalana kaga dhaawaceen sidookalana maleeshiyaad ay nolosha kuhayaan kuwaasi oo uu sheegay inay soo bandhigidoonaan.

G/sare Maxamed Xasan Badal ayaa sheegay maleeshiyaadka argagixisada Al-shaab markii ay kawarheeleen howlgalka Ciidanka inay isaga carareen Jamaame Islamarkaasna ay kugalidoonaan sitaxadarleh maadaama ay suuragaltahay argagixisada inay meelaha qaraxyo galiyaan.

Taliyaha Guutada 11aad Qaybta 43aad Gaashaanl Sare Maxamed Xasan Badal ayaa ugu dambeeyn sheegay ujeedka howlgalka inuu yahay in maalmaha soo socda argagixisada inay kasaaraan degmada jilib si culeeyska ay kuhayaan Ummadda Soomaaliyeed looga dulqaado.

Howlgaladani kasocda gobolka Jubada hoose waxaa sameeynaya Guutada 11aad Qaybta 43aad iyo Ururka 5aad Guutada 16aad Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed.










Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip