Saraakiisha Ciidanka oo soo bandhigay Magacyada horjogayaal Ajanib ah oo lagu dilay Dagaalkii Ceelsaniini

0
Thursday February 20, 2020 - 20:45:04 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1516
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiisha Ciidanka oo soo bandhigay Magacyada horjogayaal Ajanib ah oo lagu dilay Dagaalkii Ceelsaniini

    Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Faah Faahin ka bixiyay weerarki shalay ay nabadiidka Al-shabaab ay ku qaadeen degaanka Ceelsaniini ee Hoostaga Magaalada Marko ee Gobolka Shabellada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Faah Faahin ka bixiyay weerarki shalay ay nabadiidka Al-shabaab ay ku qaadeen degaanka Ceelsaniini ee Hoostaga Magaalada Marko ee Gobolka Shabellada Hoose.

 

Ciidanka Xoogga Dalka soomaaliya ayaa weerarka ku dilay labo horjooge Ajanib ah iyo xubno kale oo ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo la Hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in dagaalkii shalay Al-shabaab lagu gaarsiiyay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah

Saraakiisha ciidanka ayaa soo bandhigay Magacyada iyo dalalka ay kasoo jeedaan horjogayaasha lagu dilay dagaalka

HorjoogeAbuu Sudani alnuur oo u dhashay dalka Bakistaan iyo Sheikh Maxamed Abu suleymaan oo heesta dhalashada suuriya

Saraakiisha Ciidanka waxa ay sheegeen in labadaan Horjooge ay Al-shabaab u qaabilsanayeen Xilalka Tababarada iyo Maaliyada

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip