Ra'iisul Wasaare Khayre Iyo Taliye Odawaa oo Isbitaalka Xoogga ku booqday Askartii dhaawacyadu ku gaareen Difaacidda Qarannimada,
Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada qalabka sida u diyaariysay qorshe daryeel caafimaad oo dhammaystiran, waxaana booqashada Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ay qeyb ka tahay dadaallada lagula soconayo xaaladda caafimaad ee dhaawacyada laguna dhiirri gelinayo ciidamada qaranka oo dhan.
Geesiyaasha dhaawacyadu kusoo gaareen badbaadinta qarannimada, nafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed ayaa Ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay booqashada iyo dhiirri gelinta waxayna ballan qaadeen in marka ay soo bogsadaan ay dib ugu laabanayaan furimaha dagaalka si ay qayb uga qaataan dadaallada cawadga looga xoreynayo qaybaha ay dalka uga sugan yihiin.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee furumaha dagaalka jooga uga mahadceliyay dadaallada ay ugu jiraan soo afjaridda kooxaha argagaxisada ah ee caadeystay gummaadka ummadda Soomaaliyeed
.
Ra'iisul Wasaare Khayre Iyo Taliye Odawaa oo Isbitaalka Xoogga ku booqday Askartii dhaawacyadu ku gaareen Difaacidda Qarannimada,
Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Isbitaalka xoogga ku booqday askar ka tirsan xoogga dalka oo ku dhaawacmay deegaanka Ceel-saliini ee gobalka Shabeellada Hoose,