Warar Dheeraad Ah Ayaa Ka Soo Baxaya Qasaarihii Maleeshiyaadka Al-shabaab Manta Loogu Geystay Deegaanka Ceel Saliini.

0
Wednesday February 19, 2020 - 20:52:52 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1092
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warar Dheeraad Ah Ayaa Ka Soo Baxaya Qasaarihii Maleeshiyaadka Al-shabaab Manta Loogu Geystay Deegaanka Ceel Saliini.

    Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab ay isku dayeen iney weerar ku qaadaan deegaanka Ceel Saliini oo fariisin u ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kaa soo qasaarihii ugu badnaa abid uu ka soo gaaray argagixisada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab ay isku dayeen iney weerar ku qaadaan deegaanka Ceel Saliini oo fariisin u ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kaa soo qasaarihii ugu badnaa abid uu ka soo gaaray argagixisada. Dagaalka oo ahaa mid aan saacado badan qaadan ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay ku guuleysteen iney cagta mariyaan maleelishiyaadkii weerarka soo qaaday, ee doonayay iney dhibaato u geystaan dadka deegaanka.

War rasmi ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Raadiyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa lagu sheegay in Maleeshiyaadkii Al-shabaab ee weerarka arbushaada ahaa ku soo qaaday deegaanka Ceel-saliini ee gobolka Shabeeladda Hoose,

 

"Uu ahaa mid ay ka feejignaayeen Ciidamada dhgarta maleeshiyaadka, taasina waxay keentay in ciidamadu ay fashliliyaan weerarkaasi, halkaana khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay nabaddiidka”.

 

Sidoo kale warka ka soo baxay Taliska Ciidamada ayaa lagu sheegay in goobta lagu dilay in ka badan 25- dhagarqabe oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare, iyo 10- ka tirsan argagixisada oo nolosha lagu hayo” dhawaanna la soo bandhigidoono sidookale maleeshiyaadka ayaa weerarkii ay ku soo qaadeen Qoryoleey kufashilmay iyagoo halkaasi kala kulmay qasaare xoogan.

 

Maalin ka hor ayey ahayd markii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay maleeshiyaadka Al-Shabaab kala wareegeen deegaano ay ka mid yihiin, "Dharsheenlay, Bandar, Farkeerow, Xero kowaad iyo Xero labaad oo hoostaga Degmada Qoryooleey ee Gobola Shabeelada Hoose”, howlgalkaasi waxaa lagu qabtay dhagarqabayaal ka tirsan kooxda.

 

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay sii kordhiyay howlgallada lagula dagaalamayo maleeshiyaadka ay awoodoodu sii wiiqmeyso.

 

Snaradio.net




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip