Maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab Oo Isaga baxay Degmada Jamaame Ee Gobolka Jubada Hoose,

0
Wednesday February 19, 2020 - 19:38:39 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 741
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab Oo Isaga baxay Degmada Jamaame Ee Gobolka Jubada Hoose,

    Kadib howlgalo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed oo kasoo ruqaansaday degaanka araare kuwaasi oo cagta soomariyay degaanada Kaban,iyo Bengaani, ee gobolka Jubada hoose ayaa waxeey hal Km usoojirsadeen Jamaame taasi oo keentay in maleeshiyaadkii argag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib howlgalo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed oo kasoo ruqaansaday degaanka araare kuwaasi oo cagta soomariyay degaanada Kaban,iyo Bengaani, ee gobolka Jubada hoose ayaa waxeey hal Km usoojirsadeen Jamaame taasi oo keentay in maleeshiyaadkii argagixisada Al-shabaab ay isaga cararaan Degmada Jamaame.

 

Taliyaha Guutada 11aad Qaybta 43aad Ciidanka Dalka G/le Sare Maxamed Badal Xasan ayaa Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida usheegay in saacadaha soosocda aygaaridoonaan Jamaame halkaasi oo ay haatan ujiraan hal Kiilo mitir.

Taliyaha ayaa tilmaamay howlgalkaani inay sameeynaayaan Ciidamadda Guutada 11aad Qaybta 43aad iyo Ururka 5aad Guutada 16aad Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed islamarkaasna intii wada ay kusoo jireen kusoo saareen ilaa labo miino oo nooca dhulka lagu aaso.

Howlgalkani ayaa ujeedkiisu yahay baacsiga maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab.Kuwaasi oo baneeys dhiiga iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed,

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip