Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo sheegay in qasaaro dhimasho iyo dhaawac Al-shabaab loogu geestay weerarka Ceel saniini

0
Wednesday February 19, 2020 - 09:01:48 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 662
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo sheegay in qasaaro dhimasho iyo dhaawac Al-shabaab loogu geestay weerarka Ceel saniini

    Wararka ay Idaacada Ciidamada heleeyso ee gobolka Shabeelaha hoose Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay weerar arbushaad ah ku soo qaadeen deegaanka Ceel-saliini ee gobolka Shabeeladda Hoose,halkaasi o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ay Idaacada Ciidamada heleeyso ee gobolka Shabeelaha hoose Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay weerar arbushaad ah ku soo qaadeen deegaanka Ceel-saliini ee gobolka Shabeeladda Hoose,halkaasi oo fariisimo militari ay ku leeyihiin ciidanka Xoogga Dalka.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalada ayaa SNARADIO A u sheegay in Kooxda Shabaab qasaare xooggan lagu gaarsiiyay deegaanka Ceel-saliini ee gobolka Sh/Hoose, kadib markii weerar arbushaad ah ay soo qaadeen saacadihii la soo dhaafay.

 

Ciidamada oo ka feejignaa dhagarta Al-shabaab ayaa ka hortagay isku daygaasi weerarka ah oo ay soo qaadeen kooxaha jid iyo jaha diidka ah ee Alshabaab,balse halkaasi ay kasoo gaarto waxyeelo xoogan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

 

Dhanka kale ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Qoryooley ku qabsadey dhowr deegaan,waxaana kamid ah deegaanada Dharsheenley,Bandar,Farkeerow,Xero koowaad iyo Xero labaad,kuwaasi oo dhamantoodi hoostaga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelada Hoose,waxaana jira in dad nool laga qabsaday Al-shabaab

 

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa mudooyinkii ugu dambeyeey sii kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Alshababa,kuwaasii oo awooddi ay sii wiiqmayso.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip