Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ee Danab Ayaa Degaanka Leego Ee Gobolka Shabeelaha hoose kudilay 12 Maleeshiyaad katirsan Argagixisada Al-shabaab,
Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab ayaa degaanka Leego ee degmada Walanweeyn gobolka Shabeelaha hoose kasameeyay howlgal burburin ah kaasi oo ay kubartilmaadmeedsanayaan saldhigyada maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab
Howlgalkan ayay Ciidamadda kudileen 13maleeshiyaad katirsan argagixisada Al-shabaab sida uu uxaqiijiyay Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Taliyaha Guutada 16aad kumaandooska Xoogga Dalka Danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik wuxuuna sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay beegsiga meelaha ay kusuganyihiin horjogayaasha iyo maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab
G/le Ismaaciil ayaa xusay in Ciidamadda Kumaandooska gobolada dalka ay kawadaan howlgalo dalka looga sifeeynayo argagixisada.