Wasiirka Difaaca Iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ayaa Caawa Garonka Diyaaradaha Aadana Cadde kusoo Dhaweeyay Cutubyo katirsan Kumaandooska Xoogga Ee Gor-gor,
Horinta 2aad Ururka 4aad Guutada Kumaandooska Gor-gor Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dhawaan tababar heerkiisu sareeyo kusoo qaatay dalka Turkiga ayaa maqribnimadii caawa kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan-cadde ee magaalada Muqdisho.
Waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Xogga Dalka S/guuto Odawaa Yuusuf Raage iyo Wasiirka Difaaca X.F.S Xasan Cali Maxamed iyo saraakiil kale.
Ciidamadaan Kumaandooska oo ayaa in mudo ah tababar ugu maqnaa dalka turkiga halkaasi oo ay kusoo qaateen tababar noocyo badanleh islamarkaasna ah mid casri ah waxeeyna qayb kayihiin ciidamo loo diyaarinayo xoreeynta goobaha ay kudhuumaaleeysanayaan maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/guuto Odawaa Yuusuf Raage
ayaa sheegay in ciidamadda ay qayb weyn kaqaadandoonaan sidii dalka looga
saarilahaa argagixisada wuxuuna doowlada Turkiga kaga mahadceliyay tababarka ay
soo siiyeen.
Wasiirka Gaashaandhiga Xukumada Soomaaliya Xasan Cali Maxamed ayaa sheegay in farxadeeyn ay utahay inuu goobjoog u ahaado Ciidamadaan tababarka sooqaatay ee dalka kusoo laabtay wuxuuna tilmaamay inuu raajeeynayo in dalkooda iyo dadkooda cadawga inay kadifaacaan.
14-kii bishaan ayay markii cutubkale oo katirsan kumaandooska Xoogga Dalka ee Gor-gor ay dalka dib ugu soolaabteen kuwaasi oo ay soo dhaweeyeen masuuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.
Wasiirka Difaaca Iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ayaa Caawa Garonka Diyaaradaha Aadana Cadde kusoo Dhaweeyay Cutubyo katirsan Kumaandooska Xoogga Ee Gor-gor,
Horinta 2aad Ururka 4aad Guutada Kumaandooska Gor-gor Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dhawaan tababar heerkiisu sareeyo kusoo qaatay dalka Turkiga ayaa maqribnimadii caawa kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan-cadde ee magaalada Muqdisho. Waxaa garoon