Munaasabad lagu Maamuusayay Maalinta Caalamiga ah ee ka Hortagga Askareynta Caruurta ayaa muqdisho lagu qabtay.
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Marwo Jihaan Cabdullahi Xasan ayaa Dhankeeda Xustayin Diiwaangalintii Ciidamada Qalabka Sida lagu ogaaday in Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Xoogga ay ku guuleesteen in ay Xaqiijiyaan askarta Dowladda DFS diiwaangalisay in ay yihiin kubo buuxiyay shuuradaha laga doonayay oo CiidamaduSidoo kale waxay sheegtayin Ciidanka Xoogga ay soo badbaadiyeen dhawaan Caruur ay askareeyeen Kooxda alshabaab.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Somaliya Jeneraal Odawaa yuusuf Raage oo munaasabadda ka hadlay ayaa Dhankiisa ku nuux nuuxsaday in Taliska Ciidanka Xoogga ay ka Go’antahay ka hortagga askareynta Caruurta isagoo ka codsaday shacabka Somaliyeed in ay ku gacansiiyaan sidii loo soo badbaadin lahaa Caruurta sida khaldan ay uadeegsanaan Kooxda alshabaab wuxuuna intaasi kudaray in Ciidanka Xoogga Dalka uu kuguuleeystay Badbadinta Caruurbadan oo ay heeysteen argagixisada.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xil. Xasan Cali Maxamed amar dambe oo kulanka soo gabagabeeyay ayaa sheegay in Madaxda DFS ay ka Go’antahay ka Hortagga askareynta Caruurta wasiirka ayaa tilmaamay in tiroobkii dhawaan ciidamadda lagu sameeyay lgu ogodaan in ciidanka aysan kamid ahayn caruur taasi muujineeysa sida doowlada uga dadaaleyso badbaadinta caruurta.
Si kastaba Sanad walba manta oo kale 12 Febraayo ayaa loo asteeyay Maalinta Caalimga ah ee ka hortagga askareynta Caruurta Waxaana laga Xusaa dalal badan oo Caalamka ka Tirsan .
Munaasabad lagu Maamuusayay Maalinta Caalamiga ah ee ka Hortagga Askareynta Caruurta ayaa muqdisho lagu qabtay.
Munaasabadan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa Waxaa ka soo qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xil. Xasan Cali Maxamed Amar-dambe , , Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa yuusuf Raage , Agaasimaha Guud E