Taliska Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed Ayaa Wasaaradda Gaashaandhiga Kuqabtay Kulan Loogu Duceeynayay Abaanduulhii Hore Ciidanka Xoogga A/UN Jenraal Cabdirisaaq Khaliif,

0
Monday February 10, 2020 - 22:37:42 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 819
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed Ayaa Wasaaradda Gaashaandhiga Kuqabtay Kulan Loogu Duceeynayay Abaanduulhii Hore Ciidanka Xoogga A/UN Jenraal Cabdirisaaq Khaliif,

    Kulankani lagu qabtay Xarunta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Wasaaradda Gaashaandhiga Magaalada Muqdisho ayaa loogu duceeynayay Allaha Unaxariistee Abaanduulihii hore Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo 29 kii Janaayo e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankani lagu qabtay Xarunta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Wasaaradda Gaashaandhiga Magaalada Muqdisho ayaa loogu duceeynayay Allaha Unaxariistee Abaanduulihii hore Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo 29 kii Janaayo ee Sanadkaan kugeeriyooday dalka Kanada. Kulanka waxaa kasoo qaybglay Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Madax Hoggaano iyo Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka dhamaan saraakiishii kulanka ducada kaqaybgalay aya marxuumka Alle ugabaryay inuu kawaraabiyo naxariistiisa Jano islamarkaasna Samir iyo iimaan uu kasiiyo Ummadda Soomaaliyeed Ciidanka Xoogga Dalka iyo eheladii uu kabaxay.
Jeneraal Maxamed Xasan Raage oo ah Madaxa Hoggaanka Gaadiika Xoogga Dalka oo ay soo wada shaqeeyen Marxuumka ayaa kasheekeeyay Taariikhda Jeneral Cabdirisaaq iyo sifooyinkiisii wuxuu sheegay inuu ahaa shaqsi hogaamin wanaagsan dulqaadbdan dabeecad wanaagsan wuxuuna intaasi kudaray inuu mudo dheer kasoo mid ahaa Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka S/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo goobtaasi kahadlay ayaa sheegay inay dhiirigalin uatahay saraakiisha Xoogga Dalka in laxusuusto oo loo duceeyay sargaalkii wax wanaagsan qabta dalkana usoo halgamo.

A/UN Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo dhawaan kugeeriyooday Dalka Kanada ayaa mudoo dheer kusoo jiray Ciidanka Xoogga Dalka wuxuu kasoo qabtay xilal kaladuwan wuxuuna soo noqday Abaanduulihii Ciidanka Xoogga Dalka










Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip