Taliska Qeybta 21aad Xoogga Dalka Oo Wado Dardargalinta Qorshaha Argagixisada Looga Xoreeynayo Degaanada Galmudug,

0
Saturday February 08, 2020 - 23:37:21 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1384
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Qeybta 21aad Xoogga Dalka Oo Wado Dardargalinta Qorshaha Argagixisada Looga Xoreeynayo Degaanada Galmudug,

    Taliye ku xigeenka qaybta 21-aad kormeer ugu tagey Ciidamo Ka mid noqonaya qorshaha xoreynta deeganada Galmudug . Cutubyadan oo dhowaan loo diiwaan galiyay Ka mid noqoshada Ciidanka Xoogga Dalaka kuna jira dugsiga Tababarka "Aruuris" ee du

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliye ku xigeenka qaybta 21-aad kormeer ugu tagey Ciidamo Ka mid noqonaya qorshaha xoreynta deeganada Galmudug . Cutubyadan oo dhowaan loo diiwaan galiyay Ka mid noqoshada Ciidanka Xoogga Dalaka kuna jira dugsiga Tababarka "Aruuris" ee duleedka Deegaanka Xananbuure ayaa waxaa galabta kormeer la xiriira howlaha diyaarinta ciidankan Ku gaarey G/Le Aadan Siyaad Cabdi Taliye xigeenka Qaybta 21-aad , taliyaha ayaa Warbixino ka dhageystay saraakiisha xerada iyo guud ahaan Taliska dugsiga oo kaga warbixiyay tilaabooyinka loo qaadey diyaarinta Ciidankan .
Taliye xigeenka ayaa Ciidanka kula dardaarmey isku diyaarinta howsha adag ee laga sugayo oo u baahan dhiiranaan iyo ka faaiideysiga casharada lasiinayo mudada tababarku uu socdo , Sidoo kale isla madasha ayaa lagu qabtay bandhig dhiiri galin ah oo ay soo qaban qaabiyeen kooxda Horseed ee Ciidanka xoogga Dalka qaybtooda 21-aad kuwaa oo wadaniyada iyo macnaha dhab ahaanshaha dagaalka lagula jiro cadawga dareensiiyay ciidamada Ku jira carbiskan milatari.







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip