Daraawiishta Jubbaland oo hawlgal ku dilay jorjooge Al Shabaab ka tirsanaa,

0
Monday February 03, 2020 - 23:19:11 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daraawiishta Jubbaland oo hawlgal ku dilay jorjooge Al Shabaab ka tirsanaa,

    Ciidamada daraawiishta dawlad goboleedka Jubbaland ayaa hawlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab ka fuliyay deegaano Galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Laamaha amniga Jubbaland ayaa sheegay in hawlgalkaas laga f

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada daraawiishta dawlad goboleedka Jubbaland ayaa hawlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab ka fuliyay deegaano Galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Laamaha amniga Jubbaland ayaa sheegay in hawlgalkaas laga fuliyey deegaanka Baarxaani gaar ahaan aaga Labi-kuus isla markaana lagu diley xubin ka tirsanaa Al-Shabaab.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid la qorsheeyey isla markaana ciidamada ay dileen sarkaalkii u qaabilsanaa Al-Shabaab aaga Labi-kuus, sidoo kalena ay ka soo furteen qori AK-47 iyo saanad kale oo ciidan.
Sidoo kale afhayeenka waxaa uu hadalkiisa intaa ku darey in hawlgalkaas uu ahaa mid looga hortagayay Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo qorsheeynayay inay weeraro fuliyaan


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip