Howlgal lagu dilay Horjeege ka tirsan Al-shabaab oo laga fuliyey Gobolka Jubadda Dhaxe.

0
Monday February 03, 2020 - 10:16:07 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgal lagu dilay Horjeege ka tirsan Al-shabaab oo laga fuliyey Gobolka Jubadda Dhaxe.

    Howgalkan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa lagu beegsaday xarumo argagaxisada Alshabaab ku leeyihiin meel ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe, sida ay sheegeen bayaan ka soo baxay howlgalka Mar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howgalkan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa lagu beegsaday xarumo argagaxisada Alshabaab ku leeyihiin meel ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe, sida ay sheegeen bayaan ka soo baxay howlgalka Mareykanka ee Africom.

Duqeyn dhanka cirka ah ayaa lagu dilay mid kamid ah horjoogiyaasha argagaxisada oo ku sugnaa goobta la weeraray , War saxaafadeed ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka soo gaaray shacabka intii howlgalka uu socday.

Agaasimaha howlgalada taliska Mareykanka ee Africom Maj. Gen. William Gayler, ayaa sheegay in u jeedka howlgalkan uu ahaa sidii cadaadiska loogu kordhin lahaa argagaxisada xiriirka la leh Alqaacida ee Alshabaab.

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in saaxiibadooda kala shaqeeyaan sidii mas’uuliyadda amniga dalka loogu wareejin lahaa ciidanka qaranka dalka ka dib marka la wiiqo awooda argagaxisada.

Bayaanka ka soo baxay Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladd Soomaaliya kala shaqeyn doonaan sidii looga hortagi lahaa dhagarta argagaxisada Alshabaab kuwaas oo had iyo jeer ku taamaya burburinta hanaanka dowladnimo ee dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip