
MADAXDA WASAARADA GAASHAANDHIGA IYO DIFAACA QARANKA OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA JANARAAL CABDIRISAAQ KHALIIF CILMI.
"Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaanu siwada jira u tacsiyeynaynaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo soo noqday Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Janaraalku waxa uu naftiisa u huray difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”
Masuuliyiinta Wasaarada ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka in uu Naxariistiisa Jano ugu deeqo, qoyskiisa iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.
Alle ha u naxariistee, Janaraal Cabdirisaaq waxaan la hilmaami doonin kaalintii uu ka qaatay dhismaha Ciidamada Xoogga Dalka iyo Halganka lagula jiro Kooxaha Aragagixisada ah ee Shacabka Soomaaloyeed dhiigooda xalaashaday.
Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun
Dhammaad.
Xafiiska Warbaahinta ee Wasaarada Gaashaandhiga Dawladda Federalka Soomaaliya.
MADAXDA WASAARADA GAASHAANDHIGA IYO DIFAACA QARANKA OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA JANARAAL CABDIRISAAQ KHALIIF CILMI.
Muqdisho, Jannaayo 29, 2020: Wasiirka Wasaarada, Gaashaandhiga DFS, Wasiiru Dawlaha Wasaarada, Wasiir kuxigeenka, Agaasimaha Guud ee Wasaarada iyo Dhammaan Bahweynta Wasaarada Gaashaandhiga iyo Difaaca Qaranka waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehe