Taliyaah Ciidanka Xoogga Dalka Oo Gaaray Xerada Balidoogle Ee Xarunta Kumaandooska Xoogga Dalka Danab,

0
Wednesday January 22, 2020 - 19:38:15 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaah Ciidanka Xoogga Dalka Oo Gaaray Xerada Balidoogle Ee Xarunta Kumaandooska Xoogga Dalka Danab,

    Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka, Jeneraall Odowaa,Yuusuf Raage ayaa gaadhay Saldhigga Balidoogle ee guutada 16aad Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka, Jeneraall Odowaa,Yuusuf Raage ayaa gaadhay Saldhigga Balidoogle ee guutada 16aad Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyuhu wuxuu Kulamo laqaatay, Saraakiisha iyo Ciidamada, oo uu ku boggaadiyey guusha, joogtada ah ee ay kasoo Hooyaan, Dagaalka lagula jiro Aragagixisada.

S/guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa wuxuu bogaadiyay askarta iyo Saraakiisha Kumaandooska Xoogga Dalka Hawlgalada dabar Gooynta oo ay kuhaayaan Cadawga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab wuxuuna kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda .
Sidoo kale Taliyaha ayaa halkaas kulamo kula qaatay Howlgalada Mareeykanka iyo Amisom kuwaasi oo looga hadlay sidii loo dardargalinlahaa dagaalka dalka looga xoreeynayo maleeshiyaadka argagixisda Al-shabaab.


Jeneraal Odawaa ayaa wuxuu kormeer kusameeyay dhamaan qeeybaha ay ka koobantahay xerada Balidoogle oo ah taliska guutada 16aad kumaandooska Xoogga Dalka oo inta badan sameeyo howlgalo dhabar jab xoogan ku noqday kooxaha nabadiidka ah.









Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip