Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga QM ee cunaqabateynta Hubka+sawirro

0
Wednesday January 22, 2020 - 19:15:36 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 650
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga QM ee cunaqabateynta Hubka+sawirro

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya ayaa la wadaagay warbixin ku saabsan deegaannada Dowladdu ay ka xoreysay argagixisada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya ayaa la wadaagay warbixin ku saabsan deegaannada Dowladdu ay ka xoreysay argagixisada Alshabaab, qorshaha dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka iyo dagaalka lagu dabar-gooynayo fikirka xagjirnimada.

Madaxweynaha ayaa u soo jeediyey Guddiga Qaramada Midoobey ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Danjiraha dalka Belgium Mudane Marc Pecsteen in dib u eegid lagu sameeyo nidaamka cunaqabataynta saaran dalkeenna, iyadoo lagu jaan-gooynayo taageerada muhiimka u ah ciidamada Soomaaliyeed, si ay u soo afjaraan dagaalka argagixisada lagaga sifeynayo dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa dul istaagay dadaallada wax-ku-oolka ah ee Dowladdu ay ku mideysay qorshaha wadajirka ah ee dalka lagaga xoreynayo Alshabaab, diyaarinta sharciyada lagu wiiqayo ilaha dhaqaale ee argagixisada iyo dhismaha Xafiisyada Amniga Qaranka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Golaha Ammaanka iyo Guddiga Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta hubka sida ay uga go’an tahay taageerada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca nabadeynta iyo xasilloonida waarta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip