Zubayr Al-Muhaajir: Oo Al-shabaab Kasoo Goostya Ayaa Sheegay in Hoggaanka Shabaab Aysan Kudhaqmin shareecada Islaamka,

0
Tuesday January 21, 2020 - 19:58:36 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Zubayr Al-Muhaajir: Oo Al-shabaab Kasoo Goostya Ayaa Sheegay in Hoggaanka Shabaab Aysan Kudhaqmin shareecada Islaamka,

    Waxa uu ka mid ahaa ajnabiga argagixisada Al-Shabaab oo uu muddo ka tirsanaa, fariin cod ah oo uu soo duubay ayuu ku sheegay inuu isaga baxay kooxdaas isla markaana ay yahiin koox baal marsan shareecada islaamka. Ninkani ayaa udhashay Dalka Ivory

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa uu ka mid ahaa ajnabiga argagixisada Al-Shabaab oo uu muddo ka tirsanaa, fariin cod ah oo uu soo duubay ayuu ku sheegay inuu isaga baxay kooxdaas isla markaana ay yahiin koox baal marsan shareecada islaamka. Ninkani ayaa udhashay Dalka Ivory Coast, ayaa magaciisa lagu sheegay Zubair Al-Muhajir waxaa uu sheegay muddo tobaneeyo sano ah ku sugnaa gudaha Soomaaliya, wuxuuna fariinta kusoo duubay luqadda Soomaaliga oo la fahamsan yahay inuu bartay mudada uu waddanka joogay. Zubair wuxuu adeegsanayaa hadalo adag oo liddi ku ah argagixisada Al-Shabaab, wuxuuna ku tilmaamay kuwa aan marnaba ku dhaqmin shareecada Islaamka, sidoo kalana wuxuu banaanka soo dhigay sababta ka dambeysa dilka loo geystay Ibraahim Afghan iyo Macalin Burhaan horjoogeyaasha sare ka mid ahaa.

Sida fariinta codka ah laga ka muuqata Zubair iyo xubnaha sare ee Al-Shabaab wuxuu khilaafkooda soo bilowday sanadkii 2009, wuxuuna leeyahay iskuma aanan raacin qaraxii Hotel Shaamow, wuxuu sheegay inuu hogaanka u hayay guddiga garsoorka oo ay ku jireen Ahmed Godane , Fu’aad Khalaf iyo Ibraahim Afghan.

Zubair wuxuu fariintiisa ku xaqiijiyay in Al-Shabaab ay dileen Ibraahim Afghan iyo Macalin Burhaan, sidoo kalana ay isaga xabsi 3-sano ah galiyeen. sababta dilka ay Afghan iyo raga kalena ay aheyd sida uu sheegay in looga baqay hogaanka kooxda

Ninkaan ayaa sheegay inuu hadda ka baxay malleeshiyada Al-Shabaab ee ajnabiga ah, wuxuu uga digayaa dhalinyarada iney dhiigooda u huraan kooxdaas uu ku sheegay ineysan sida saxda ah u adeegsan diinta Islaamka, wuxuuna ku eedeeyay sidoo kale inuu dhiiga Muslimka agtooda ka yahay wax aad u raqiis ah.

Sidoo kale wuxuu kashifay in sababta ay u diideen ku biirista Daacish ay tahay iney diidanayeen in la maamulo sidii ka dhacday Nigeria, waana sababta ay xukunka iney heystaan u doorbidayaan mar walba.

Zubair wuxuu aaminsan yahay in hadda diyo ama meg lagu leeyahay Al-Shabaab maadaama ay qirteen qaraxii ka dhacay Ex Control Afgooye, isagoo waliba ka warqaba sida uu qirtay in mar walba ay yahiin kuwa aan xaalad walba shareecada waafajin.

Intaas waxaa sii dheer inuu Al-Shabaab ku yiri: "Hadii aadnaan isku dhaqeynin diinta, dhalinyarada ha marin-habaabina”

Ugu dambeyntii Zubair wuxuu dareensan yahay in Al-Shabaab ay isku dayi doonaan dilkiisa, sida uu yiri, balse wuxuu fariintiisa codka ah ku sheegay inuusan ka baqeynin geerida, sidoo kalana uu sii wadi doono inuu sheego xaqiiqada inta laga ogaanayo diin la’aantooda, waa siduu uu sheegay.

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip