Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Oo Warsaxaafadeed kasoo saaray Dagaalkii Xaaji Cali,

0
Friday January 17, 2020 - 14:17:04 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 982
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Oo Warsaxaafadeed kasoo saaray Dagaalkii Xaaji Cali,

    Warsaxaafadeed kasoobaxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxuu la wadagaaya Ummadda Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadda ku dhaqan in Xalay abbaare 2:00 AM codwoga Alshabaab lagala hortagay dagaal qoreysan oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warsaxaafadeed kasoobaxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxuu la wadagaaya Ummadda Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadda ku dhaqan in Xalay abbaare 2:00 AM codwoga Alshabaab lagala hortagay dagaal qoreysan oo ay ciidanka u diyaariyeen Cadowga oo warbixin laga helay in uu doonayay weerar in uu ku soo qaado magaalada Xaaji Cali ee Gobal ka Shabeelada Dhexe. Cadowga waxaa loo dhigay jig gooyo qoreysan si xirfadi ku dheehantahay waxaa loo burburiyay raacyadiisa hore, waxaan ku gaaray goobta lagu dagaalamay qasaare aad u badan taas oo keentay in ay tiro 4 jeer ah weerar soo qaadan si ay u qaataan meydad iyo dhaawac farabadan ee goobta ka dhacay.

Ciidanka waxuu baacsaday cadowga ayaga oo ku celiyay goobahii ay dagaalka ka soo abaabuleena lana sheegay in ay dib uga gurteen kana carareen tuulada Geel gub iyo Masjid Cali Guud ba.

Qaasaaha soo gaaray cadowga waa 15 dhimasho iyo 26 dhaawac ah.

Ciidanka Xoogga waxaa ka shahiiday 1 sarkaal 1 sarkaal Xigeen iyo 2 askari, dhawacana 3 asakari.

Gabagabo

CXDS waxuu had iyo jeer heegan iyo fujigaan ugu jiraa ilaalinta kaaramada shacabka Soomaliyeed, waxeyna si aan ka leexleexad Laheyn u fulinayaan waajibaadka dagaal ee ay Madaxda Qaranka siiyay si loo difaaco kaaraamada sharafka iyo Madax banaanida Qaranka.

Alla Mahad leh.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip