Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka oo howlgal kudilay Horjoogahii Argagixisada uqaabilsanaa Qaraxyada Gobolka Shabeelaha hoose,

0
Thursday January 16, 2020 - 11:19:09 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka oo howlgal kudilay Horjoogahii Argagixisada uqaabilsanaa Qaraxyada Gobolka Shabeelaha hoose,

    Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ee Danab ayaa howlgal qorsheeysay oo ay kasameeyeen Degmada Walanweeyn ee Gobolka Shabeelaha hoose waxeey kudileen Horjoogihii Maleeshiyaadka Argagixisada AL-Shabaab uqaabilsanaa Mutafajiraadka ama Qa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ee Danab ayaa howlgal qorsheeysay oo ay kasameeyeen Degmada Walanweeyn ee Gobolka Shabeelaha hoose waxeey kudileen Horjoogihii Maleeshiyaadka Argagixisada AL-Shabaab uqaabilsanaa Mutafajiraadka ama Qaraxyada lagu laayay Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee Gobolka Shabeelaha hoose kaasi oo lagu magacaabo Maxmed Xuseen Cismaan Buluush. Horjoogahanai ayaa markii uu arkay Ciidamadda lasoobaxay qori AK47 islamarkaasna dagaalamay kadib Ciidamadda kumaandooska ee howlgalka sameeynayay ayaa toogtay.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa qabashadaa horjoogahani balse dagaalamay sidaasina ay kutoogteen Ciidamadda kumaandooska Xoogga Dalka
horgani ayaa wuxuu badalay  Maxamed Siidoow oo 28 December   2019 lagu dilay Duqeeyn kadhacday Tuulada Caliyoow Baroow sida uu inoo xaqiijiyay Taliyaha Guutada 16aad kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab Gle/ISmaaciil Cabdi Maalik.


horjoogahani howlgalka lagudilay ayaa horay ulaayay Shacab iyo Ciidan oo uu qaraxyo umaleegay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip