Ciidamadda Amaanka oo howlgalo Baaritaano ah kasameeyay Xaafado katirsan Muqdisho.
Ujeedka howl ayaa ahaa sugida amaanka Magaalada Muqdisho iyo kahortaga waxkasta oo keeni kara falal amni daro ah.
Ciidamadda Booliiska ee howlgalka sameynayay ayaa guri guri ugalay guryaha guyaala Boondheere oo howlgalka uu kasocday.
Intii uu howlgalka uusocdaya ayaa Ciidamadda waxeey soo qabtay dad fara kutiris ah kuwaasi oo lala xiriirinayo Maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab kuwaasi oo qaarkood lasiidaayay kadib markii baritaano lagu xaqiijinayo lagu sameeyay sida ay Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida uxaqiijiyeen Saraakiil katirsan Ciidamadda Booliiska oo howlgalka qeyb ka ahaa.
Ciidamadda amaanka ayaa kuhowlan xaqiijinta amaanka maagalada Muqdisho iyagoo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed ee kudhaqan magaalada silooga hortago dhibaatooyin ay maleegayaan maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab.
Ciidamadda Amaanka oo howlgalo Baaritaano ah kasameeyay Xaafado katirsan Muqdisho.
Ciidamo ka tirsan booliiska Soomaaliyeed ayaa xalay howlgal ka sameeyey inta badan xaafadaha degmada Boondheere ee gobolka Banaadir Ciidamada ayaa gudaha u galayey qaar ka mid ah guryaha ku yaalla degmada Boondheere, iyagoo baaritaan ku sameynayey.