Waxgaradka Degaanada Afbarwaaqo iyo Toowfiiq ayaa hashiis kala saxiixday,

0
Saturday December 14, 2019 - 18:19:51 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 961
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxgaradka Degaanada Afbarwaaqo iyo Toowfiiq ayaa hashiis kala saxiixday,

    Saraakiil sarre oo ka tirsan ciidamadda Xoogga dalka oo uu hugaaminaayo Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa ku guuleystay soo afjarida dagaal dhiig badan ku daatay oo todobaadkii tagay Beelo wal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiil sarre oo ka tirsan ciidamadda Xoogga dalka oo uu hugaaminaayo Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa ku guuleystay soo afjarida dagaal dhiig badan ku daatay oo todobaadkii tagay Beelo walaalo ah ku dhexmaray deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug.

Saraakiisha oo uu sidoo kale ka mid yahay taliyaha qeybta 21aad oo habeeno badan dhaxanta u jiifay dib u heshiisiinta walaalaha Oodwadaagta ah ayaa ugu dambeyn ku guuleystay in wax garadka labada dhinac saxiixaan qodobo ay ku heshiiyeen.

Wax garadka labada dhinac ayaa qalinka kuwada duugay in aysan dib u soo laaban colaad dambe oo dhex marta dadka walaalaha ah.

Ugaasyada iyo nabadoonada deegaanka Towfiiq ee heshiiska saxiixay ayaa kala ahaa.

  1. Ugaas cabdulahi maxamed nuur
  2. Mabadoon Xasan Cabdi Nuur
  3. Nabadoon Rasaas Cumar Nuur

Halka deegaanka Afbarwaaqana ay u saxiixeen

  1. Nabadoon Cabdulahi Jamac Dheere
  2. Nabadoon Axmed Maxamed Cali
  3. Xasan Dhuux Cali.

Halyeeyada Xoogga dalka oo looga bartay xoreynta iyo xasilinta gobolada dalka ayaa bilihii la soo dhaafay ahaa kuwa door muuqda ku lahaa arrimaha nabadeynta colaadaha sokeeye.

             

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip