Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku guuleeystay dhameeynta Dagaal Beeleed ka taagnaa Gobolka Mudug.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed s/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Saraakiil kale oo kusugan Degaano katirsan Gobolka Mudug ayaa waxeey kuguuleeysteen dhameeynta dagaal beeleedyo kataagnaa Degaano hoosyimaado Magaalada Gaalkacyo.
Taliyaha iyo Saraakiisha ayaa xalay ilaa maanta waxeey kulan kula qaadanayeen degaanka Afbarwaaqo odayaasha dhaqanka oo ugu horeeyay Suldaan Cabdinaasir Seed wadahadalo saacado badan qaatay ayaa waxaa lagu guuleeystay in ladhameeyo colaada udhexeeysay beelo walaalo ah oo kudagaalamayay gobolka mudug.
Wadahadalada ayaa waxaa lagu guuleeystay in lakalaqaado maleeshiyaadkii ishor fadhiyay iyadoo ay odayaasha dhaqanka balan qaadeen in colaadii ay halkaasi kudhamaatay.
Taliyaha Ciidanka DhulkaJeneraal Cabdixamiid iyo saraakiishii lasocday ayaa haatay udhaqaaqay Degaanka Toowfiiq si ay usii dhameeystiraan heshiiskii lagaaray.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku guuleeystay dhameeynta Dagaal Beeleed ka taagnaa Gobolka Mudug.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed s/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Saraakiil kale oo kusugan Degaano katirsan Gobolka Mudug ayaa waxeey kuguuleeysteen dhameeynta dagaal beeleedyo kataagnaa Degaano hoosyimaado Magaalada Gaalkacyo