Ra'iisul Wasaare Khayre oo Maanta furay shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed+Sawirro

0
Sunday December 01, 2019 - 21:54:41 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 742
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Khayre oo Maanta furay shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed+Sawirro

    Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane; Xasan Cali Kheyr, ayaa Maanta daah furay shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane; Xasan Cali Kheyr, ayaa Maanta daah furay shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujiyay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay mudnaan siinta Dhallinyarada oo Laf-Dhabar u ah horumarka Bulshadda iyo ilaalinta Qaranimada.

Shir weynaha Saddaxaad ee Dhallinyarada ee uu Ra'iiusl Wasaaruhu daah-furay ayaa soconaya Deseembar 01-04, 2019.

Wuxuuna shirkani halkudhiggiisu yahay "Milkiilayaasha Dalku ma oggola musuq-maasuq iyo xagjirnimo",

Waxaana sidoo kale looga hadlayaa la dagaallanka musuq maasuqa, xagjirnimada iyo Ka qeyb galka dhallinyarada ee arrimaha Siyaasadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go'an tahay dagaalka Argagaxisada lagula jira iyo fikirka xagjirnimada maadaama aysan ogolayn horumarka Dalka, ilaalinta Qarannimada.

Wuxuuna tusaale u soo qaatay in dhismaha Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ay Argagaxisadu soo weerartay in ka badan 10 jeer si ay uga hor tagto horumarka la hiigsanayo.

Mudane ; Xasan Cali Khayre ayaa u mahad celiyay Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira Ciidamada qalabka sida iyo Saraakiisha hoggaamisa ee u taagan ilaalinta nafta iyo maalka Ummadda Soomaaliyeed.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay inta uu Dalka musuq ka jiro aan caddaaladi jiri karin, kala dambeyn iyo Dowlad xoog leh aan la helayn, Argagaxisana laga adkaado, ayaa dhallinyarada ku dhiirri geliyay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo dowladnimada, qaybtoodana ay ka qaataan dagaalka lagula jiro musuqa.

Wuxuuna ugu dambeyn ugu baaqay Dhallinyarada in ay is-weydiin meesha hadda la jooga, jihada loo socdo iyo Waddada loo marayo si loo gaaro horumarka la hiigsanayo,dhaxal wanaagsanna loo helo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip