Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ka hortagtay oo soo qabatay shabakad ka kamid ahayd kooxda argagixisadda Al-Shabaab oo dilal qorsheysan ka geystay magaaalada Kismaayo.

0
Thursday November 21, 2019 - 21:22:04 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1090
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ka hortagtay oo soo qabatay shabakad ka kamid ahayd kooxda argagixisadda Al-Shabaab oo dilal qorsheysan ka geystay magaaalada Kismaayo.

    Howlgal ay sameeyeen ciidanka Nabad Sugida kahowlgala Jubbaland waxaa Gacanta lagu soo dhigay Maxamed Cabdullahi Abuukar iyo Cusmaan Maxamed Maxamuud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgal ay sameeyeen ciidanka Nabad Sugida kahowlgala Jubbaland waxaa Gacanta lagu soo dhigay Maxamed Cabdullahi Abuukar iyo Cusmaan Maxamed Maxamuud.

Marka ay ciidanka amniga gacanta ku dhigayeen raggan waxaa ay gacanta kula jireen fal dambiyeed waxaana ay siteen Bastoolado halka mid kamid ah uu waday Qarax lagu soo dhex qariyay Tarmuus.

 

Ciidanka waxay tageen oo ay 2 miino iyo 7 Bambo Gacmeed ka soo saareen goobo keyd u ahaa argagixisadda oo ay hubka ku duugteen.

 

Raggan ayaa qirtay inay ka dambeyeen dilal siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Kismaayo kuwaas oo loo geystay dad aan waxba galabsan.

 

Taliyaha hay'adda Nabad Sugida iyo sirdoonka kahowlgla Jubbaland Korneyl Khaalid Shiikh Cabdullaahi ayaa shacabka Jubbaland kaga mahad celiyay sida ay ula shaqeeyaan ciidanka wuxuu intaasi kudaray in ragaani sharciga lahorkeenidoono.

 






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip