Warshadii qaraxyada Al-shabaab oo duqeyn weerar ah lagu Bur Buriyay iyo Horjogayaal la dilay
Howlgalka ayaa waxa uu ka dhacay degaanka Kuunya Barow ee Gobolka shabellada Hoose
General Cali Maxamuud Bogmadow oo goor dhaw la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in diyaarada dagaalka Mareykanka ay xarunta warshada ku dhufteen labo gantaal
Duqeynta ka dib ayuu sheegay in goobta ay gudaha u galeen ciidamada danab iyo kuwa Mareykanka oo halkaasi ka fuliyay weerar toogasho ah
Taliye Bagmadow waxa uu sheegay in weerarka lagu dilay 4 horjooge iyo lix maleyshiyaad ah oo ka tirsan nabadiidka Al-shabaab
Horjoogayaasha la dilay ayaa waxaa ka mid ah Horjoogihii warshaqada qaraxyada Al-shabaab u qaabilsanaa kaasi oo uu magaciisa ku sheegay Sheikh Cabdi salaam Abuu muniir
Sidoo kale weerarka ayaa waxaa lagu dilay labo horjooge oo u kala dhashay wadamada Afgaanistaan iyo suuriya
General Cali Bagmadow ayaa beeniyay in duqeynta lagu dilay dad shacab ah isagoona sheegay in arintaasi ay tahay mid been abuur ah
Warshadii qaraxyada Al-shabaab oo duqeyn weerar ah lagu Bur Buriyay iyo Horjogayaal la dilay
Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanayo Ciidamada Mareykanka ayaa Howlgal qorsheysan ku Bur Buriyay Warshad nabadiidka Al-shabaab u sameyn jirtay qaraxyada Miinada ah.