Duqeeyn lagudilay Isku xirihii Al-shabaab iyo Al-qaacidda

0
Wednesday November 13, 2019 - 18:16:03 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqeeyn lagudilay Isku xirihii Al-shabaab iyo Al-qaacidda

    War ka soo baxay taliska Mareykanka Africa ee AFRICOM, ayaa lagu shaaciyay in duqeyn Diyaaradeed lagu dilay Sarkaal Argagixisada u qaabbilsanaa isku xirka Al-Shabaab iyo Al-qaacidda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War ka soo baxay taliska Mareykanka Africa ee AFRICOM, ayaa lagu shaaciyay in duqeyn Diyaaradeed lagu dilay Sarkaal Argagixisada u qaabbilsanaa isku xirka Al-Shabaab iyo Al-qaacidda.

Warka AFRICOM, ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday Degmadsa Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, horjoogaha la dilay ayaa xilliga uu weerarku dhacayay ku howlanaa isticmaalka Khadka Internet-ka.

Warka ayaa intaa ku daraya in Ninka la dilay u xiriir toos ah la lahaa Al-qaacidda, sidoo kalena uu ku Magacawnaa wakiilka Al-Shabaab u qaabbilsan isku xirka Labada koox argagixiso.

AFRICOM, waxa ay hoosta ka xariiqday in duqeyntii ka dhacday Degmada Jilib aysan wax khasaare ah ka soo gaarin Dad rayid ah, howl-galkaasna uu u dhacay sidii loogu talo galay.

Warbixinta la shaaciyay ayaa lagu ammaanay Ciidammada Soomaaliya oo qeyb ka ahaa howl-galkii Jilib ka dhacay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip