Kuwait oo bilaawday inay gargaar soo Gaarsiiso Dadka Fatahaadaha ay Sameeyeen,

0
Wednesday November 06, 2019 - 14:46:17 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 868
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuwait oo bilaawday inay gargaar soo Gaarsiiso Dadka Fatahaadaha ay Sameeyeen,

    Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kuwait oo uu horkacayo Danjire; Cabdullahi Maxammed Odowaa ayaa kulan laqaatay Madaxda ugu sarreysa Bisha-Cas ee Dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kuwait oo uu horkacayo Danjire; Cabdullahi Maxammed Odowaa ayaa kulan laqaatay Madaxda ugu sarreysa Bisha-Cas ee Dalkaasi.

Kulanka ayaa ku saabsanaa sidii ay hay’adda Bisha Cas ee Dalka Kuwait ugu qeyb qaadan lahayd gurmadka caalamiga ah ee lagu taakuleynayo Dadkii ay waxyeelladu kasoo gaadhay Roobabka iyo fatahaadaha Webiyada Jubba iyo Shabeelle .

Hay’adda Bisha Cas ee Dalka Kuwait oo looga bartay caawinta Dadka Soomaaliyeed xilliyada adag ayaa lagu wadaa in ay gargaar gaarsiisao Qoysaska ku waxyeelloobay fatahaadaha gaar ahaan musiibada ka taagan Magaalada Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan.

Bisha Cas ee Dalka Kuwait oo ka jawaabeysa codsiga Safaaradda Soomaaliya ee Dalkaasi ayaa waxay ballan qaadday in ay si deg-deg ah wax ugu qaban doonto Dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

    




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip