Ra'iisul Wasaare Khayre Oo Magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaada "SAWIRRO"

0
Saturday October 26, 2019 - 20:02:30 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 777
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Khayre Oo Magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaada "SAWIRRO"

    Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha oo ka shaqeynaya dadaallada gurmadka ee wax looga qabanayo saameynta fatahaaduhu ku yeesheen dadka iyo deegaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha oo ka shaqeynaya dadaallada gurmadka ee wax looga qabanayo saameynta fatahaaduhu ku yeesheen dadka iyo deegaanka.

Wasiirka Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, Xamsa Saciid Xamsa, ayaa guddoominaya guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada caafimaadka, amniga gudaha, korontada iyo biyaha, beeraha, waxbarashada, qorsheynta, warfaafinta iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo hey’adaha gargaarka ka codsaday in ay ka qayb qaataan dadaallada gurmadka fatahaadaha ka dhashay roobabka ka da’ay goballada dalka iyo wabiyada, waxa uuna ugu baaqay dhammaan hey'adaha dowladda in ay la shaqeeyaan guddiga.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe looga gaashaamanayo fatahaadaha iyo biyo la'aanta soo laalaabata oo labaduba dhibaata badan ku haya dadka iyo dhulka Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip