Howlgal Ciidanka Xoogga Dalka ay kasameeyeen Gobolk Hiiraan oo lagu dilay Maleeshiyaad katirsan Argagixisada Al-shabaab,

0
Saturday October 19, 2019 - 14:51:05 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgal Ciidanka Xoogga Dalka ay kasameeyeen Gobolk Hiiraan oo lagu dilay Maleeshiyaad katirsan Argagixisada Al-shabaab,

    Maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgal ay ciidanka Xoogga Dalku ay ka sameeyeen wadada u dhaxeysa Buulo Burde iyo Jalalaqsi ay ku dileen 20 ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgal ay ciidanka Xoogga Dalku ay ka sameeyeen wadada u dhaxeysa Buulo Burde iyo Jalalaqsi ay ku dileen 20 ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan Maxamed Nuur Cagajoof ayaa sheegay in wadadda loo galay dhagarqabayaal ka tirsan maleeshiyada Argagixisada Al-Shabaab oo saarnaa gaari Caasi ah, halkaana lagu laayay dhamaantood.

Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in Maleeshiyaadkaasi ay ka soo furteen 18 qori iyo rasaas, waxaana uu intaa ku daray inay warbaahinta u soo bandhigi doonaan saacadaha Soo aadan.

Guddoomiye Maxamed Nuur Cagajoof ayaa balanqaaday in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka kooxda Argagixisada ah Al-Shabaab ee ka socda Gobolka Hiiraan.

Howlgalada Ciidamada Xoogga Dalku ay ka wadaan Gobalada Dalka ayaa ah mid lagu Cirib tirayo haraadiga Maleeshiyaadka Naf lacaariga ah, ee sii galbanaya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip