Ra'iisulwasaare Khayre oo Taliska Ciidanka Booliiska kalahadlay Adkeeynta Amniga Guud,

0
Thursday October 03, 2019 - 17:51:13 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 804
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisulwasaare Khayre oo Taliska Ciidanka Booliiska kalahadlay Adkeeynta Amniga Guud,

    Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kormeer ku tegay xarunta taliska Booliika Soomaaliyeed, ayaa kulan la qaatay taliyaha Booliiska, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) iyo labada taliye ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kormeer ku tegay xarunta taliska Booliika Soomaaliyeed, ayaa kulan la qaatay taliyaha Booliiska, Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) iyo labada taliye ku-xigeen.

Kulanka ayaa looga hadaly dardar gelinta qorshaha sugidda amniga dalka iyo fududeynta dib-u-habeynta Booliiska, si loogu guuleyso tayeynta ciidamada booliiska oo qayb ka ah qorshaha guud ee ciidamada Soomaaliyeed ay kula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka oo dhan.

Taliyaha iyo taliye ku-xigeennada ayaa Ra’iisul Wasaaraha xog ka siiyay howl galladii ugu dambeeyay ee booliisku amniga dalka ku sugayeen iyo guulahii laga gaaray, qorshaha ciidamo booliis ah lagu geynayo deegaannada argagaxisada laga xoreeyay, waxa ayna ballan qaadeen in ay fududeynayaan qorshaha dib-u-habeynta Booliiska iyo in ay laba jibbaarayaan shaqooyinka ay qaranka u hayaan, si loo helo amni, xasilooni iyo kala dambeyn.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kulan la qaatay qaban-qaabiyayaashii iyo howl-wadeennadii shirka madasha iskaashiga caalamiga ah Soomaaliya ee shalay soo xirmay, waxaana kulana la isaga xog wareystay hannaankii uu shirku u qabsoomay, caqabadihii lasoo gudboonaaday iyo casharradii laga bartay ee looga faa’iideysna karo qabashada shirarka dambe.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip