Ra'iisul Wasaare Khayre Oo Soo Xiray Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya Oo Shalay Iyo Maanta Muqdisho ka Socday

0
Wednesday October 02, 2019 - 19:20:11 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 696
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Khayre Oo Soo Xiray Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya Oo Shalay Iyo Maanta Muqdisho ka Socday

    Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa soo xiray shirka madasha iskaashiga Soomaaliya oo ay goob joog ka ahaayeen wakiillada beesha caalamka, wakiillo ka socda hey'ado caalami ah iyo in ka b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa soo xiray shirka madasha iskaashiga Soomaaliya oo ay goob joog ka ahaayeen wakiillada beesha caalamka, wakiillo ka socda hey'ado caalami ah iyo in ka badan 50 dowladood.

Shirka oo dhammaadkiisii l warmurtiyeed aga soo saaray ayaa intiisa badan looga hadlaya tubta siyaasadda loo dhanyahay, tubta horumarinta dhaqaalaha, tubta horumarinta arrimaha bulshada iyo tubta amniga iyo caddaaladda, horumarka la gaaray iyo ka wada shaqeynta horumarinta mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyada oo taageerada beesha caalamka lagu saleynayo tubaha qaranka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shirka ka sheegay in wadashaqeynta madaxda dalka ay horseedday in horumar laga gaaro isbedelka, xasiloonida, dowladnimada iyo ajandaha dib-u-qaabeynta ee sida wadajirka ah ay u taageereen shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Soomaaliyeed ee caalamka, kuwaas ee soo celisay rejada ummadda Soomaaliyeeed.

Dhammaan mas'uuliyiintii khudbadaha ka jeediyay kulanka ayaa isku raacay in horumar ballaaran lagu tillaabsaday tan iyo markii la qabtay shirkii shirkaan ka horreeyay ee sannadkii 2018, waxaana la isku raacay in wadajir loo shaqeeyo si horumarka loo joogteeyo.

Saaxiibada caalamku oo qiray guulaha Soomaaliaya ay ku tilaabsatay,ayaa hoggaanka dalka ku ammaanay horumarka ay ka sameeyeen ajandayaasha dib-u-habeynta ee ay kamid yihiin hagaajinta maamulka maaliyadda dowladda, dakhliga, la tashiyada qorshaha cusub ee qaranka, dib-u-habeynta amniga, guulaha laga gaaray howl-galladda argagaxisada ka dhanka ah iyo sare u qaadidda adeegyada bulshada iyo dib-u-heshiisiinta.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu caddeeyay in Dhallinyada Soomaaliyeed oo ah tirada ugu badan ee bulshadana ay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan horumarinta dalka, haweenka iyo dadka baahiyaha gaarka ah qabana ay diyaar u yihiin ka qayb galka siyaasadda, taas oo meesha ka saareysa dhaqankii hore ee ahaa in siyaasadda dalka ay kooxa yari ay hoggaamiyaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip