Maxkamadda Ciidamadda oo Dil kuxuntay Askari Dil horay ugu geeystay Askarikale,
Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa loo heystaa dillka Allaha Unaxariiste Ex. Dalbe Boliis Jamaal Abuukar Jiinow oo uu ku dilay degmada Waabari 22-kii March ee Sanadkan kadib markii uu ka hor istaagay dhac uu u geysanayay mid kamid ah rayidka ku dhaqan degmada Waabari, iyadoo Baaritaanka Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen uu qaatay waqti dheer maadaama xilliga uu dhaca geysanayay ay aheyd xilli dambe oo habeen ah, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta usoo gudubtay Eedda eedeysanaha 20-kii July Sanadkan.
Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeen Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor aqriyay Qiraalka eedeysanaha uu ka qoray Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida kaas oo uu eedeysanaha ku cadeystay in xilliya kala duwan uu dhac ka geystay degmada Waabari, waxa ay sidoo kale fadhiga Maxkamadda xafiiska Xeer Ilaalinta horkeeneen Dhibane uu eedeysanaha ka qaatay Teleefoonkiisa gacanta.
Maxakamadda waxyaaba kale oo ay soo bandhigeen Xafiiska Xeer Ilaalinta waxaa ka mid ah intii ay socotay dhageysiga dacwadda laba markaati oo iyagana ka marag kacay in Eedeysanaha uu xabado ku furay Ilaaladii Boliiska iyo dhibanaha taasi oo ugu dambeyn sababtay Geerida Ex. Dalbe Boliis Jamaal Abuukar Jiinow iyo caddeymaha kale ee la horkeenay Maxkamadda waxaa kamid ah Qorigii uu dhacca ku geystay oo nuuciisu ahaa AK-47, Sawirka Marxuumka iyo Warqadda dhakhtarka ee cadeynta Dhimashada.
Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan ka soo saartay Eedda loo heysto Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen waxa ayna ku xukuntay dil toogasha ah oo ah qisaasta Ex Dable Boliis Jamal Abuukar Jiinow sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku eg 30-cisho xukunka Kadib.
Maxkamadda Ciidamadda oo Dil kuxuntay Askari Dil horay ugu geeystay Askarikale,
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ku xukuntay dil toogasha ah oo ah qisaasta Ex Dable Boliis Jamal Abuukar Jiinow.