Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kahortagay Weerar Argagixisada ay doonayeen inay kusoo qaadaan Balidoogle,

0
Monday September 30, 2019 - 16:18:53 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 2070
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kahortagay Weerar Argagixisada ay doonayeen inay kusoo qaadaan Balidoogle,

    Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ayaa Barqanimadii maanta isku dayay inay weerar kusoo qaadaan Xerada Balidoogle ee Gobolka Shabeelaha hoose, halkaasi oo ay deganyihiin Ciidan Xoogga Dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ayaa Barqanimadii maanta isku dayay inay weerar kusoo qaadaan Xerada Balidoogle ee Gobolka Shabeelaha hoose, halkaasi oo ay deganyihiin Ciidan Xoogga Dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab,

Ciidanka ayaa meel kabaxsan Xerada kaga hortagay Gaadiid waxyaabaha Qarxa ay kasoo buuxiyeen waxaana halkaasi lagu wada gaadiidkii ay qaraxyada kasoo buuxiyeen sidookale waxaa goobta lagu laayay Maleeshiyaadkii nafla caariga ahaa ee weerarka soo qaaday sida uu Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida usheegay Taliyaha Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab Gaashaanle Cabdiraxmaan Shiikh Cumar Jeeniqaar.

Maalmihii ugu dambeeyay Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kordhiyay howlada lagu baadi goobayo Kooxaha Argagixisada ah ee doonaya inay dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed waxaana howlgaladaasi qaasro kala duwan lagu gaarsiiyay Argagixisada,








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip