Ciidanka Xoogga Dalka ayaa toogasho kudilay dhagarqabe Miino ku waayay Wadada, isku xirta Balcad iyo Jowhar.

0
Sunday September 29, 2019 - 11:21:58 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga Dalka ayaa toogasho kudilay dhagarqabe Miino ku waayay Wadada, isku xirta Balcad iyo Jowhar.

    Taliyaha Qaybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka Gen.Axmed Maxamed Treedisho ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay toogasho ku dileen xubin ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kadib howlgal qorshaysan ay ka fuliyeen inta u dhaxaysa magaalo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Qaybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka Gen.Axmed Maxamed Treedisho ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay toogasho ku dileen xubin ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kadib howlgal qorshaysan ay ka fuliyeen inta u dhaxaysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Warka waxaa uu intaasi raacinayaa in ninka la toogtay uu miino ku aasayay waddada isku xirta Balcad iyo Jowhar, gaar ahaan deegaanka Gololleey ee gobolkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in dhagarqabahaasi miinada aasayay uu sidoo kale watay bistoolad uu doonayay in uu isku difaaco haddii la arko.

Tan iyo intii ka danbaysay markii ciidamada qaranka ay wiiqeen awooddii kooxda nabad diidka ah ayaa waxay bilaabeen weerarro u badan qaraxyo miino ay la beegsadaan dadka rayidka ah ee isticmaala waddooyinka isku xira magaalada muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip