Howlgal khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Argagixisada Shabaab oo ka dhacay deegaanka Ceel-saliini ee Sh/Hoose

0
Sunday September 22, 2019 - 12:53:21 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgal khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Argagixisada Shabaab oo ka dhacay deegaanka Ceel-saliini ee Sh/Hoose

    Ciidanka Xoogga dalka ayaa iska caabbiyay weerar argagixisada Al-shabaab ay ku soo qaadeen Deegaanka Ceel-Saliini oo hoostaga Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha hoose,waxaana cadowga halkaasi ka soo gaaray khasaare farabadan oo dhimasho iyo dhaawac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Xoogga dalka ayaa iska caabbiyay weerar argagixisada Al-shabaab ay ku soo qaadeen Deegaanka Ceel-Saliini oo hoostaga Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha hoose,waxaana cadowga halkaasi ka soo gaaray khasaare farabadan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

 

Taliyaha Guutada 1aad Qeeybta 12 April Ciidanka Xoogga Dalka G/le Dhexe Cali Cade ayaa Idaacadd Ciidamadda Qalabka Sid u xaqiijiyay in ciidanka Xoogga ay jab xooggan gaarsiyeen Maleeshiyaadkii ka tirsanaa argagixisada Alshabaab,kuwaasi oo isku dayay in weerar arbushaad ah ay halkaasi ku soo qaadaan,balse ciidamada oo ka feejignaa ayaa dharbaaxo xooggan ku dhuftay,waxaana halkaasi ka soo gaaray nabadiidka Al-Shabaab khasaare baaxadleh.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa tilmaamay in Argagixisada ay kacarareen meeydadbadan islamarkaasna ay kafurteen hub fara badan kuwaasi oo ay soo bandhigidoonaan.

Deegaanka Ceel-Saliini ayaa waxaa si buuxda gacanta ugu haya Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed,iyagoo halkaasi ka wada howlgallo lagu baacsanayo kooxihii weerarka soo qaaday,islamarkaana ku raad jooga goobihii ay weerarkaasi ka soo abaabuleen.

Tani ayaa waxaa ay qeyb ka tahay astaamaha muujinaya in awoodii kooxda Shabaab ay sii burburayso,islamarkaana ku soo biyo shubteen in shacabka ay si dhuumaalaysi ah ku dhibaateeyaan sida qaraxyo arxan darri ah,taasi oo dhanka kale dhalisay kacdoon dadwayne oo laga dareemayo qaar ka mid ah gobollada dalka.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip