Xarunta Dambibaarista Ciidanka Booliiska oo dibuhabeeyn lagu sameeyay,

0
Thursday September 19, 2019 - 22:37:58 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 673
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Dambibaarista Ciidanka Booliiska oo dibuhabeeyn lagu sameeyay,

    Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Maanta dib u furay waaxda faraha ee Hoggaanka Dembi Baarista ee CID-da taasoo oo muddo xirneed ka dib cabasho ka timid shacabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Maanta dib u furay waaxda faraha ee Hoggaanka Dembi Baarista ee CID-da taasoo oo muddo xirneed ka dib cabasho ka timid shacabka
Munaasabadda furitaanka Xarunta Cusub ayaa waxaa ka soo qeeyb galay Guddomiyaha Maxkamadda Sare, Guddomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Muqdisho, Xeer-Ilaaliyaha Qaranka, Guddomiyaha Maxkamadda Gobolka, Agaasimaha Guud Wakaalada Dhismaha, Gudomiyaha Xildhibaanada Labada Aqal, Hooyoyinka Gobalka Banadir,  Saraakiil iyo Marti sharaf kale.        
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa munaasabada kasheegay in hab cusub looqaadi doono Faraha iyadoo la,adeegsanayo qalab casri ah.  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud ayaa Tilmaamay in Taliyaha Ciidanka Booliiska uu ku amaanayo banaanka cusub ee lagu soo kordhiyay Xarunta Dambibaarista Booliiska. Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Cida aytahay Qeeyb muhiim ah oo Garsoorku kamaarmin loona baahanyahay in lahormariyo.
Taliyaha Ciidanka Booliiska ayaa sidoo kale sarkaal cusub umagacaabay waaxda faraha waxaana la diyaariyay hab cusub oo lagu qaadi doona faraha laguna heli doona warqada dembi la’aanta.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip