Ra'iisulwasaaraha X.F.S oo gudoomayay Shir looga hadlayay Xoreeynta Dalka,

0
Thursday September 19, 2019 - 20:40:50 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 594
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisulwasaaraha X.F.S oo gudoomayay Shir looga hadlayay Xoreeynta Dalka,

    Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa Maanta guddoomiyay shir ay kasoo qeyb galeen Safiirrada Waddamada amniga ka taageeraa Soomaaliya iyo wakiillada Beesha caalamka, loogana hadlay amniga iyo xoreynta deegaannada argagaxisadu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa Maanta guddoomiyay shir ay kasoo qeyb galeen Safiirrada Waddamada amniga ka taageeraa Soomaaliya iyo wakiillada Beesha caalamka, loogana hadlay amniga iyo xoreynta deegaannada argagaxisadu uga sugan tahay Dalka. Shirka ayaa intiisa badan looga dooday dardar-gelinta howl-gallada lagu baacsanayo Argagaxisada iyo in kaalmada amni ee Dowladaha aan saaxiibbada nahay loo qaabeeyo hannaan la jaan qaadaya qorshaha Dowladda iyo rabitaanka Ummadda Soomaaliyeed, si guul looga gaaro dedaallada xoreynta iyo adkeynta 1. Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Hir-shabeelle oo shirka hadallo ka jeediyay ayaa sheegay in xoreynta Goballada Shabeellooyinku ay muhiim u yihiin kobcinta dhaqaalaha iyo sugidda amniga Caasimadda. Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in dib-u-habeyn xooggan lagu sameeyay Ciidanka Labadii Sano ee laso dhaafay, lana ogyahay tirada iyo tayadooda, Dalkuna uu leeyahay rajo wanaagsan oo dhanka amniga iyo xoreynta ah. Wuxuuna Ra'iisul wasaaruhu wakiillada Beesha caalamka u caddeeyay in Shacabka Soomaaliyeed ay aad ugu baahi qabaan taageera amni oo wax ku ool ah.

Dowladda Soomaaliya oo deddaal xooggan ugu jirta sidii mas’uuliyadda amniga ay ula wareegi lahaayeen Ciidamada qalabka sida, ayaa Labadii Sano ee lasoo dhaafay waxa ay dib-u-habeyn ballaaran ku sameysay Ciidamada Qaranka, arrintaas oo fududeysay in degaanno badan laga xoreeyo Argagaxisada, dibna ay uga billaabato nolol Bulsho oo dhammeytiran.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip